“Ma Qarsanayno wada-hadal somaliland waa La Gelaynaa Cid aan uga fasax qaadanayno oo fiiso ii siinaysa inaan Hargeysa la Hadlaana ma jirto” Cali Khaliif
Nairobi:Dec,14,2014(SDN/QJ)-Hoggaamiyaha Maamulka Dibad-wareegga ah ee Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka Hadlay Xidhiidhada uu la leeyahay Maamulka Puntland iyo Xukuumadda Somaliland, isagoo Tabasho badan ka sheegtay Dhiggiisa Puntland oo uu dhaliilo badan u jeediyey.
Cali Khaliif Galaydh oo la Hadlay Jaaliyadda Maamulkiisa ee Magaalada Nairobi, ayaa sheegay inaanay mudnayn in shacabkiisu soo dhaweysto Maaulka Puntland, waxana uu intaas ku daray inaanay ishoodu qabanin kaliya Somaliland oo ay si gaar ah u fiiriyaan, “Adduunweynuhu waa inoo qirayaa oo iyakaaba leh ciidamada somaliland iyo farogelinta Somaliland iyo kuwa Puntland, hadda in badan oo halkan fadhida yaan ta dambe akhrisan oo ay u muuqataa somalialnd, waar akhrista waxa adduunweynuhu leeyahay. Somaliland iyo Puntland midkoodna Sool iyo Sanaag iyo Cayn ma laha haddiise aad adigu ogoshahay orod aad Puntland.”ayuu yidhi Cali Khaliif.
Cali Khaliif waxa uu sheegay in Cabdiweli Gaaska Puntland uu Distoorkiisa ku qortay Deegaanada Maamulka Khaatumo sheegto, isagoo intaas ku daray inaanmidka Somaliland arrintaas lagu haynin, waxana uu yidhi,
“afar shan jeer yaanu cabdiweli cali gaas wada Hadalnay, waxanse ognahay inaan wixii lagu wada Hadlay iyo wax udhaw midna aan laga haynin, Hadda somaliland Distoorkeeda Sool iyo Sanaag iyo Cayyn kuma murmayee wadaadku isagaaba leh Distoorkaygaa I faraya oo dhulka anigaa leh, Oo Maandayaalow hadduu leeyahay muu Cadowga ka daafaco,”
Cali Khaliif oo Hadalkiisa sii wata ayaa carrabka ku adkeeyey inuu Wada hadal la geli doono Somaliland, isagoo intaas ku daray inaanu cidka fasax u weydiisanaynin wada hadalka uu somaliland la gelayo,
“Kuwii Iigu yabaq Badnaa ayaa Maanta Hargeysa Jooga, Waar Hargeysa wax aan u hunguroodaa ma jiraan. Ma Qarsanayno wada-hadal somaliland waa La Gelaynaa Cid aan uga fasax qaadanayno oo fiiso ii siinaysa inaan Hargeysa la Hadlaana ma jirto, Annakaana naqaana oo meesha Danta Khaatumo gasha ayaanu Abaaraynaa.”
Cali Khaliif oo dadkii halkaas joogay u muujinaya Xumaanta uu hayo Maamulka Puntland, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Qoraallada Boodhadhkii Goobta lala yimi wax laga Bedelo, isagoo dhibsaday erayo Gudaha Maamulka Puntland laga Isticmaalo,kuwaas oo uu soo jeediyey in Lagu beddelo qaar kasoo jeeda Somaliland, waxana uu yidhi,
“shaadhadhka aad Gashan tihiin ee Galayr ku Qoran tahay Ilmaadeerrayaalow halka “R”-da ah iigu Beddela “DH” Waar Hoy R-daasi meesha ay ka timi baa I dhibaysee R-daas iga daaya”
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com