|

“Ma Ogolaanayno In Somaliland Dabaqado Yeelato,Waana Dhiig bax Somaliland ku socda Ganacsataddana Baryi Mayno” Wasiirul dawlaha Maaliyadda

Hargeysa 03 June, ,2015(SDN/QJ)- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan  Saxaradiid Caddaani  ayaa walaac xoogan ka muujiyay lacagaha qaalaad siiba dollarka, taas oo meesha ka saartay isticmaalka shilinka Somaliland, isla markaana dhibaato xoogan ku haysa guud ahaan bulshada.

Cismaan Saxardiiid CadaaniWasiir dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid Caddani oo ka hadlayay kulan ay la yeesheen maamulayaasha iyo mulkiilayaasha dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee dalka Somaliland ayaa ka dayriyey

isticmaal la’aanta shilinka Somaliland, Wasiirka oo arrimaha ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dhiig bax baa Somaliland ku socda, ka taajirka ah, ka dawlada ah iyo ka askariga ah dhiig bax baa ku socda..”

Mudane Caddaani waxa uu ka waramay faa’iidada ku jirta in dal kastaa uu isticmaalo lacagtiisa, waxaanu yidhi isagoo arrimahaasi ka hadlaaya “sidan ay wax u socdaan maaha noolow, waa dhiigbax saameyna ku yeelatay bulshada oo askariga foranta joogay wixii yaraa ee la siinayay markay waxba u tari waydo ee macallinkii mushaharkiisi carruurtiisi waxba u jari waydo, ninkii shaqaalaha, miisaaniyaduna si kastoo loo krodhiyo, ma fadhiisanayso, haddii aan waxba laga qaban lacagta doolarka oo qof kastaa shillinka iyo lacagtiisa isticmaalin.”.

Hargeysa SDN/QJ

contac@qurbejoog.com

Comments are closed