|

Ma odey dhaqameed mise odey siyaasaddeed!

Nin soomaali ah ayaa qaxooti lagu keenayn waddanka maraykanka. Ninkani iyo reerkiisa waxa ay dawladdu u kiraysay guri ay lahayd gabadh marakykan ahi. Reerkii cusbaa waxaa nafta isugu keenay baranbarooyin fara badan oo ay khaatiyaan isku taageen. Maalintii danbe ayay gabadhii marakaykanka ahayd ee guriga lahayd ay u yeedhayaan si ay uga hagaajiso baranbarooyin gurigii ku soo fatahmay. Gabadhii marakykan ka ee guriga lahayd markii ay soo gashay ayaa waxa irridda ku salaamaya saddex baranbaro oo aad mooddid inay tartan baabuur ah ku jiraan. Gabadhii ayaa intay naxday odhanaysa ‘’jesus!’’ oo la mid noqonaysa  ‘’Nebi’’, sidii ay u yeedheyso Nebi Ciise oo dadka kiristaanku aaminsan yihiin oo ay naxdintaasi ka keentay. Isla markiiba waxaa hadlaya ninkii soomaaliga ahaa oo ku odhanaya af-soomaali ‘’ Naa soosoco boqolaal jesus baa joogee’’ isagoo u qaatay in jesus-ka ay tidhi ay baranbarada lafteeda tahay. Markaasuu ku sii daray, ‘’ Oo maxay u lahaayeen maraykan baranbarooyin ma joogaan?’’…………………………………………….

 

Soo geliddii isticmaarka ka hor, somaalidu ma lahayn talis-dhexe iyo maamul guud oo midaysan, taasi waxay keentay in beel kastaba yeelato hoggaamiye dhaqameed madaxbannaan. Hase yeeshe mar kastaba wuxuu ku qasbanaa inuu beeshiisa ku hago axdiga xeer somaaliga isla markaana xiriirka kala dhexeeya beelaha kale waxaa saldhig u ahaa meelmarinta iyo dhowridda qodobada xeer somaaliga. Sidaas awgeed hoggaamiye dhaqameed yada xilligan waxey ku fasaqmeenn siyaasaddii. Bal u fiirso hadda waxa somaalida heysta dhammaan meel kastoo aad aragto odey dhaqameed baa ka taliya.

Hadduu ninka madaxda ahi maanta uu hadlo, siduu doonno ha hadlee, cidda u jawaabeysa waa odey dhaqameed. Cidda dalka qasaysaa waa odeyaal imaan-laa-wayaal ah.

Cidda qabyaaladda lagu sheegayoo fagaysaa waa iyaga. Kee beynnu ku tilmaanaa haddaba! Ma odey dhaqameed mise waa odey siyaasadeed, waa wada jesus miidhan baa hallaagaya dalka oo aan ogelayn in somaali nabad hesho, shaqaddoodi weli may garan.

W/Q:  C/xakiin C/laahi Aaden

Comments are closed