Ma laga yaabaa in madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Iran kulmaan?
NY Sept 24,2013(SDN)-Madaxweynaha Iran oo intii uu xilka la wareegay dabadeed wadey olole uu ku muujinayo in dalkiisu diyaar u yahay xiriir ay la wadaagaan reer Galbeedka ayaa laga yaabaa in uu New York kula kulmo madaxweyne Barack Obama.
Sida laga soo xigtay ilo ku dhaw dhaw aqalka cad ee dalka Mareykanka,waxa suurtogal ah in madaxweyne Obama uu la kulmo madaxweynaha Iran Xasan Rooxaani.
Arintan oo aan mudo aaad u dheer suurto gal aheyn ayaa waxa sabab u ah madaxweyne Roxaani oo doorashadiisii ka dib muujiyay sida ay uga go’an tahay in uu xiriir dhaw la yeesho Mareykanka.
Sidoo kale madaxweynaha Iran ayaa muujiyay dabacsanaan ku wejahan barnaamijka quwada Nuclear ka ee dalkiisa oo xurgufta labada dhan sal u ah.
Dadweynaha reer Galbeedka iyo kuwa Jamhuuriyada Islamiga ah ee Iran ayaa tilaabadan aad u soo dhaweeyay,waxaana dhici kareysa in Iran ay dooneyso in laga debciyo cunaqabateyn la hadhay dhaqaalahooda oo caalamku dul dhigo sanado ka hor.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Xasan Rooxaani ayaa haatan la shir yimi tab siyaasadeed oo aad uga duwan madaxweynihii xilka uu kala wareegay ee Axmedi nijaad oo si kolka loo eego godoon siyaasadeed geliyay dalkaasi mudadii 8 sanadood aheyd ee uu xilka hayay.
SDN-NY