|

Ma Laga Yaabaa In Dawladda Ruushku Ay Basaaska Edward Snowden Gacanta Ka Galiso Maraykanka ?

Moscow 13. February 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada Ruushka ayaa muddooyinkan danbe adeegsanaysay basaaskii hore uga  tirsanaan jiray sirdoonka Dalka Maraykanka, kaasoo muddo sanado ah ku sugan dalkeeda oo aanay dib ugu celin dalka uu ka soo jeedo.

 

Mid ka mid ah masuuliyiinta Dalka Maraykanka isla markaana ka war haya arrimaha xassaasiyada leh ee ka dhexeeya labada dal ee Ruushka iyo Maraykanka ayaa sheegay in wareejinta ay xukuumada Ruushku soo wareejiso Edward Snowden ay tahay isku day lagu doonayo isku dhawaanshe ku dhex maro labada Madaxwayne ee Trump iyo Putin sida ay soo bandhigtay NBC NEWS oo Wargeyska Himilo tarjumay.

Dhinaca kale, Qareenka difaaca u ah Snowden oo la yidhaa Ben Wisner ayaa waxa uu sheegay in aanu waxba ka ogeyn arrintaasi isla markaana kooxda qareenada ah ee difaacaya Snowden aanay soo gaadhin wax wargelin ah oo la xidhiidha arrintaasi.

Comments are closed