Ma La Odhan karaa Hadalkan Dartiibaa Xilka Looga Qaaday Wasiirka Biyaha? DAAWO
Hargaysa 05. December 2016 (SDN/QJ):-Wasiirkii Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac ayaa Todobaadkii Tegay Wuxuu Luuqad adag kula hadlay Mas’uuliyiinta ku qadhaabsada Shaadhka Madaxweyne Siilaanyo ee la Haybta ah,Isagoo Dhanka Kale Biniixiyey Waxyaabo Hoos u dhigaya Maqaamka iyo Kala Saraynta Milgaha Dawladnimo.
Hadalkaas ayaa dad badani aaminsan yihiin inuu Sabab u ahaa in Xilka laga qaado Wasiir Baashe Cali Jaamac oo Lagu Xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay Shirarkii Nabadaynta ee Gobolada Bari Sida Kii Awr Boogays ee Gobolka Sool.