|

Ma Karti Dooranaa Mise Waa Reernimo Dooranaa? W/Q: Maxamed Cabdilaahi Biixi.

dr.king biixi yareAhaanshiyaha qof soomaaliyeed oo kasoo jeeda ummad dhaqan iyo qabiil leh oo qabyaalad ku dhaqanta, oo waliba meel wada dagtaa waa falsafad nololeed oo dhaqanka somaliyeed kusoo dhisnaa taniyo intii ummadda somaliyeed dunnida guudkeeda ku uunkanayd.

Haddaba, taniyo waagaasi ummadda soomaliyeed waxay caan ku ahayd kala xoog roonaansho, isgaanshaanbuuraysi , is dhac, isgumaysi iyo ku abtirsi qabyaaladeed oo ka mid ahaa waxyaalhii sababay in gumaystayaashii kala duwanaa ee weerarka kusoo qaaday dhulalka somaliyeed si fudud kusoo galaan dhulkeena qaaliga ah ee macdanta iyo khayraadkubba ku duugan yahay.

waxa ay ahayd mid sababtay in hablaheenii cadaan guursaddo, dadkeenii qaar kamid ahi diinta kabaxaan, qaar adoomo ahaan loo raro, qaar kalenna ay shaqaale ka noqdaan oo lagu marti galiyo isla magaaladduu ku dhashay iyo wadankuu isagu xaqa u lahaa ee uuku barbaaray ee dhaxalkii awoowgii iyo xundhurtiisubba ku duugnayd; halka qaar kalenna adoonsi maskaxeed lagu riday oo noqdeen ummad naanabtay oo ka dhacday mustawihii nololeed iyo shaqsiyaddii soomaliyeed ee uu asalka ulahaa.

Sidaasi aawadeed, tani may ahayn waxay cid kale ukeentay ummadda soomaaliyeed amaba ay ku abuurtay, se waxa uu ahaa curfi, ciqdi, aqoon gaabni iyo fikraddo gaajo ka carar ahaa oo oday kasta oo muruq iyo wiilalba lihi uu ku gumaysan jiray walaalkiisa yare maskiinka ah, tamarta daran ee kaalmadda iyo gacan qabashadda uga baahan.

Sidaasi daraadeed, qabiilka oo noqday manhaj lagu gaadho qabyaaladda oo kabaxay macnihiisii guud ee tolnimo, walli kamay suulin ummaddaydu oo wiilkii dhashay 2000 waqtiga ay dadyawga dunnida horumartay ku nooli ku sheegaan industrialized era ; waxa uu wali la caqli yahay amaba la fikrad yahay odaygii awawgii ahaa amaba tolkii u talinjiray ee 1900kii jiray kaasi oon aqoon waxa xadaaraddi tahay, aqooni tahay, horumaryahay amaba aan awoodi jirin inuu magaciisa qoro .

walina ma oga muwaadinka soomaliyeed ee dalka midda dhulwaynaha soomaaliyeed u dhashay inay tahay qabyaaladdu jabka ilaa iyo hadda laga soo kaban laayahay ee dhulweynihii soomaaliyeed baabiiyey, ma oga in dhulkiisii waddamo badan oo adduunka kamid ahi ilaashanayaan oo uu u yahay kayd ay hadhaw uga faa’ideysan doonaan shidaal ahaan, macdan ahaan, dekkad ganacasi iyo tu militaryba.

Sidaasi aawadeed, maanta marka aad qabiil noqoto oon aqoontii ka aradno, caqliganna ka tagno oon aadno qudhunka iyo qashinka qabyaaladdu waddo ee faquuqa iyo faqri kuslaysan maxaan korodhsanay? Ma waxaan doonaynaa colaad hor leh iyo dabargo ummadda soomaaliyeed ku dhaca oo marka ay iyaddu is cunto kaga baxaan dunidda guudkeeda, lana waayo shaqsi sheegtaa Soomaali oo dunidda guudkeeda jooga?

Bal eeg wadamadda horumaray, waxa madaxweynayaal ka noqda iskana soo sharaxa dadyaw asal ahaan aan kasoo jeedin dhulalka ay hadda ka taliyaan(exogenous people), Se Somali ahaan xataa waxaan ku guuldaraysanay in muwaadinkii wadanka u dhashay uu u maamulo wadankiisa si waddaniyad leh oo lagu wada taageersanayahay.

Haddaba, maanta maanay ceeb ahayn marka aqoonyahanka reer soomaliland, rajaddii mustaqabalku, madaxweynihii dhawaani, ardaygii iyo askarigiii dalkubba ku hadaaqaan, udhintaan, tageeraan amaba u banaanbaxaan ninka reerkooda ah ee sharaxan amaba xisbi siyaasadeed xukumma?.

Maaha danta qarankanni inuu aqoonyahankaygu, ilamahaygu, saaxiibkay,walaalkay,islaanta caanaha suuqa ku iibisaa, xamaalka dekadda berbera jooga iyo askariga furinta joogaaba noqdo qabiil. mana aha inaan ku naco marka caqliga saliimka ahi shaqaynayo qofna qabiilkiisa iyo deegaanku kasoo jeedo; se waa inaan noqonnaa ummad bislaatay, ilbaxday ,wax ukordheen garanaysanna in hadda la joogo waqtigii caqliga iyo aqoontu shaqayn lahayd se aan loo baahnayn taageero indho la’aan ah oo siyaasiga danaysteha ah lagu raaco..

Sababta oo ah maanta ma taagnin waqtigii jahligu ina hogaaminayay oo aniga iyo adiguba aqoonyahan baan nahay, ma nihin jaahil aan wixiisa aqoon kusoo dhacsan Karin oo u baahan tol si uu unoolaado, ( tolka lagama maarmo se aaminsanaanta inaanad tol la’aan waxnoqon karrin waa ayaan darro inteeda leeg) takale maanta markaan shaadh qabiil aan muwadin ku raacno siyaasi inoogu baaqaya inuu tolkayo yahay habartuu doono ha sheegtee ogaw berrina waxa uu noqon doonaa mid kasoo jeeda jifadiisa hoose oo u xuubsiita sida basasha ilaa uu noqdo mid aaminsan inna hebel oo kaliya inuu yahay.

Dhanka kale ma ila ogsoontahay in muwaadinka reer Somaliland ee dhintaa annu ahayn marxuum ka geeriyooday xisbiyadda dalka jirra se uu yahay/tahay wiil ama gabadh qoyskoodii dhamaa ee kusoo tabcayay ee la rabay inuu/inay heer nololeed gaadho kabaxday!! Maxaa ka ayaan darro weyn addoo udhinta ama u dambaaba qabyaalad? miyaanad xasuusnayn inta muwaadin ee u dhimatay qalalaasayaashi siyaasadeed ee ay kiciyeen xisbiyaddii iyo siyaasiyiintii danta lahaa ee dalkan soo maray? Immisaa u dhintay xaqsoor, kulmiye, wadani, ucid iyo udub, maanta cid eheladii ay kasoo jeedeen marxuuumiintaasi wax u qabatay ma jirtaa?, Haddaba masiirka xisbiyadda dalka ka jira in lagu taageero qabyaaladdi waa mid ay cadahay natiijadeeda dambi.

Sidaasi aawadeed, waxa looga baahanayahay aqoonyahanka reer Somaliland dhallin iyo waayeelba inta caqliga saliimka ahi shaqaynayo ee ka fayaw laab lakaca qabyaaladeed inay hormuud u noqdaan sidii dalka loogu soo dabaali lahaa nidaam dimuquraadiyadeed oo ka fayaw inaadeer taageer iyo qabiil taageer , se ku dhisan cilmi, aqoon, karti, dadaal iyo himilo fog oo danta ummadda reer Somaliland ku jirto.

Si loo hello taana waa in aad adigu muwaadin noqotaa mandellaha Somaliland ee kasoo horjeeda qabyaaladda iyo isxulafaysiga qabiil ee dalka kajirra. ma aha in inta fayaw een haysanno ee qabyaaladda ka xorta ahna la qaadsiiyo xanuunkan aan daawadda lahayn, sababta oo ah somalidu waxay ku maahmaahdaa “biyo fadhiya biyo socdaa dhaqaajiya” intaasi kadib waxaan u baahanahay dhawaaq dhalinyarro oo xoog badan oo tirtira ururadda qabyaaladeed, madaxda qabyaaladeed, salaadiinta iyo cuqaasha magacii qabiilka qabyaaladda u adeegsanaya iyo aqoonyahanka hankiisa ku ladhaya qabyaaladda, tassina waxa lagaga hortagi karaa isu duubni iyo aragti dheer oo aynu la nimaadno haddaan dhalinta wadankanni soo koraya nahay.

Gabo gabo

Somaliland waa dal ay kuwadda noolyihiin wadana leeyhiin dad Somali ahi, ma aha wadan ajaanib kale daganyahay ama uu marti kuyahay, sidaasi awgeed in la kala qaadqaado 4ta milyan ee dalka ku nooli waa aqoon gaabni iyo aragti gaabni jaahilnimo ku dhisan.

Somaliland waa wadan u baahan aqoonsi caalami ah inuu ka hello duwal weynaha caalamka, sidaasi darteed kala qoqobkiisa waa inaan ka feejignaana maxaa yeelay waxa uu dhabar jaba ku keenayaa hanaanka diblumaasiyadeed ee dalku beesha caalamka kula xidhiidhayo.

Dalka waxa ku xeeran mandaqad aan xasiloonayn oo amnigeedu aad u xunyahay sidaasi aawadeed kala qoqobka gudaha ka imaadaa waxa uu u horseedi karaa colaad jihooyin badan leh oon dhamaan.

Siyaasigu waa danayste aan adiga ku aqoon se yaqaana kaliyaata kursiga uu u tartamayo kaasi oo berri markuu guulaysta ku ilaaba amaba haddaad cadaalad ka weydo kuugu abaal gudda xadhig inlayn qabyaalad baad kusoo dooratee.

Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay haddaad maanta tahay taageeraha mid kamidda xisbiyadda dalka ka jira ood ku taageerto qabiil, kaliya waxaad korodhsatay kugu dhimay oo kaa dhimay se ummaad hiilin hanaanka dawladnimo ee suuban.

Guntii iyo gunnaanadkii muwaadin siyaasiga shaadhka qabiil ku baaqayaa amaba muwaadinka siyaasadda qabyaalad u rogayaa intaas iyo inkabdan oo dhibaatooyin ah buu inoo horseedayaa een ka digtoonaano.

W/Q: Maxamed Cabdilaahi Biixi (medical student and political observer)

Email: biixiyare@hotmail.com

Addis-ababa, Ethopia.

Comments are closed