|

“Ma jirto shaqo ay ii magacowday dowladda Somalia” Danjire Cali Ameeriko

Muqdisho 12.April 2015 (SDN/QJ)-Danjirehii safaaradda Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa sheegay inaysan jirin shaqo ay u magacowday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Cali-Ameeriko1Wuxuu beeniyay warar sheegaya in loo magacaabi doono guddoomiyaha gobolka Banaadir ama safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Switzerland.

Cali Ameeriko oo shalay si rasmi ah u wareejiyay xilka safiirnimo oo loo soo magacaabay danjire Jamaal Xasan ayaa sheegay in qunsulka safaraadda Siyaad Maxamuud Shire uu si KMG ah usii heyn doono xilka safiirnimo ee safaaradda.

Wuxuu tilmaamay in Siyaad uu ku wareejiyay dhammaan howlaha shaqo ee safaaradda, gaar ahaan kiisas la xiriira maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran magaalada Mombasa ee xarunta gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ugu mahadceliyay jaaliyadda Soomaalida ee dalka Kenya wada shaqeynta ay u muujiyeen intuu uu xilka hayay.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed