“Ma Jirto haba yaraatee Cid Xafiis lagaga Ganacsado Basaboorka Somalia oo Hargaysa ka Furan” Taliyaha Laanta Socdaalka {DHAGAYSO}
Hargaysa 18.Nov 2013 (SDN)- Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf ayaa maanta Beeniyay warar lagu faafiyay Warbaahinta Maxaliga ah ee Somaliland oo lagu sheegay in Magaalada Hargaysa laga furay Xafiis lagaga ganacsado baasboorka Somalia kaas oo ay Mukhalasiin ka Yihiin Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada.
Taliyaha Laanta Socdaalku waxaa kale oo uu cadeeyay inay u Qorshaysan tahay in sannadkan dhamaadka ah ay soo saaraan Basaboorka Casriga ah ee Somaliland E passport,kaas oo saaxad cusub u furi doona isu socodka Somaliland iyo Caalamka intiisa kale hadalkan ayuu Gaashaanle Sare Maxamed Yuusuf Cali ka sheegay mar ay maanta warbaahintu ku booqatay Xafiiskiisa.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Hadalka Taliyaha laanta Socdaalka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/TaliyahaSocdaalka18.N.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com