“Ma Jiro Wax is Casilaada ah,Mana Jirto Wax khilaaf ah oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo aniga amase Xukuumada”Wasiirka Dibu Dejinta Xaglo Toosiye {DHAGAYSO}
Hargaysa 12.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Dibu dejinta ee Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday kadib markii uu ka soo laabtay socdaal shaqo oo uu ku tagay Wadanka Jabuuti.
Wasiirka Dibu dejinta oo Gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport ugu Waramayay Warbaahinta ayaa tilmaamay in Safarka uu ku tagay Jamhuuriyada Jabuuti uu la Xidhiidhay u kuurgalida xaalada dadka Qaxoontiga ah ee u dhashay Somaliland oo mudo labaatan sannadood ah ku jiray Xeryo ku yaala J.Jabuuti.
Mudane Saleebaan Xaglo toosiye oo Wax laga weydiiyay inuu jiro Qorshe uu ku damacsan yahay inuu isaga Casilo Xilka uu ka hayo Somaliland oo Warbaahintu maalmihii u danbeeyay wax ka Qoraysay ayaa ku sheegay arrin Xaqiiqada ka fog.
Wasiirka Waxaa ku soo dhaweeyay madaarka cigaal Xubno siyaasiyiin ah oo ay ka mid yihiin la taliyaha madaxweyne siilaanyo ee Gobolada bari iyo Cali Xasan Maxamed Cali Sandule halkan ka dhagayso Weedhihii ay Madaarka ka jeediyeen
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XAGLOTOOSIYE12.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com