“Ma jiro sharci Muwaadiniinta Somaliland u diidaya inay Xamar tagaan” Garyaqaan Guuleed Dafac
Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac oo ah guddoomiyaha xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in aanu jirin xeer muwaadiniinta Somaliland u diidaya inay magaalada Xamar ee dalka Soomaaliya tagaan iyo inay taageeraan madaxda wadamada kale ee caalamka.
“Xeer Somaliland samaysatay oo u gaar ah oo ay leedahay dadku Xamar ma tagi karaan, madaxweynayaashooda masoo hadal qaadi karaan ma jiro haddii ay doonayso inay waxyaabahaas mamnuucdo marka hore waa inay xeer samaysataa. Xeer ciqaabeedkan dalka lagu dhaqaana waa xeerkii Soomaaliya. Ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac oo u waramay telefishanka Saab.
Sidoo kale, Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac waxa uu sheegay in dastuurka Somaliland uu dadka u damaanad qaadayo inay aragtiyo iyo afkaar kala duwan la iman karaan.
“Dastuurku wuxuu dadka u damaanad qaaday inay fikiri karaan oo ay aragti yeelan karaan oo dadka aragtiyahooda lama xukumi karo oo Donald Trump iyo Hillary Clintonba markii ay tartamayeen dadku way kala taageersanaayeen Soomaaliya lafteeda dadku way ku kala aragti duwanyihiin, dadku wax neceb iyo wax taageeraba way leeyihiin, markaa qofku aragtidiisa shakhsiga ah waa u xor.” Ayuu yidhi.