|

“Ma Jiro Garsoore Aan La Dagaallamay, Dhaqanna Uma Lihi” Maxamuud Cabdi Xasan (Govinda)

Hargaysa, October 13, 2015 (SDN/QJ)-Weeraryahanka xulka qaranka Maroodi Jeex iyo kooxda Dawladda Hoose ee Hargeysa ee Maxamuud Cabdi Xasan (Govinda) ayaa beeniyey warar suuqa laysla dhex marayey shalay, kuwaas oo sheegayey in uu la dagaalamay garsoorkii ciyaartii rabshaduhu ka dhaceen ee dhex martay Maroodi Jeex iyo Awdal.

Govinda-640x360Maxamuud waxa uu sheegay in aanay jirin meel uu kula dagaalamay garsoorka ciyaarta, laakiin eedayntaasi tahay mid lagu baabi’inayo go’aamadii khaldanaa ee ay xidhiidhka kubadda cagta Somaliland sida khaldan ugu reebeen xulka gobolka Maroodi Jeex.

Maxamuud Govinda oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay shabakadda ciyaaraha ka faaloota ee Cadalool oo aanu Warkan ka soo Xiganay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: “Waxa aan beeninayaa wararka sheegaya in aan la dagaalamay garsoorka ciyaartii gobolka Awdal aanu la yeelanay, waxaanan caddaynayaa in arrintaas aanay waxba ka jirin, dhaqanna aanan u lahayn inaan garsooreyaasha la dagaalamo.”

Gool-dhaliyahan haybadda u leh inuu shabaqa soo taabto, oo hadalkiisa sii wataa, waxa uu intaa raaciyey: “Eedayntani waa mid la doonayo in qiil loogu sameeyo go’aankii khaldanaa ee xulka gobolka Maroodi Jeex iyagoo guuleystay haddana tartanka lagaga saaray.”

Mr. Govinda waxa uu soo bandhigay sida uu uga xun yahay in xulkiisa oo gool leh, dhibcaha laga qaado. “Anagu maanu dagaallamin, kaliya waxa aanu diidnay rikoodhaha, sababtoo ah garsooruhu wuxuu noogu dhaartay inyar ka hor in uu rikoodhe nagu qaban doono, rikoodhihii oo aan jirinna wuu nagu qabtay. Taas ayuun baanu diidnay, imikana waanu diidanahay, wasaaradda iyo meel walbana waanu uga dacwoonaynaa.” Sidaas ayuu yidhi.

Weeraryahankan labada jeer ku guuleystay gool-dhalinta ciyaaraha gobollada Somaliland, waxa kale oo beeniyey warar kale oo tibaaxay in tababaraha gobolka Maroodi Jeex, Maxamuud Diridhaba uu wax gacan ka hadal ah ula tegay garsoorka.

 

Comments are closed