Ma Jiraan Waxyaabo Xiiso Gaar ah u Yeelay Doorashadii lagu Kala Calaf Qaaday ee Dalka Gambia?
Gambia 04. December 2016 (SDN/QJ):- Dalka Gambia wuxuu leeyahay nidaam u gaar ah oo ay dadweynuhu ugu codeeyaan Madaxweynaha & doorashooyinka kaleba.
Halka laga isticmaalo waraaqaha codaynta, waxay isticmaalaan Fataatiiro lagu gurayo sanaaquud midab ka samaysan.
Waa nidaam dalkaasi soo jireen ka ah. Goob kasta oo codbixineed waxaa la dhigaa saddex sanduuq oo kala midab ah oo ka dhigan saddexda tartame – sanaaduuq-daasi ayay codeeyayaashu ku gurayaan fataatiiraha (Marbles).
Nidaamkooda tirinta codbixiyayaashuna waa ka duwan yahay oo agab shabag ah oo leh hogag fataatiirtu gali karto ayaa lagu guraa oo lagu tiriyaa codeyayaasha.
Guddida doorashooyinka Gambia oo nidaamka sharaxayay ayaa sheegay in uu laba faaiido-ba leeyahay nidaamkan gaarka ahi; wuxuu yaraynayaa dhibaatadii akhris & qoris la’aaneed ee bulshada qaarkood haysatay hadhowna keenaysay khaladaad ku yimaad dhanka aqoonta codeeyaha iyo in ay meesha ka saarto tuhun ka ah in la khiyaameeyo tirada codeeyayaasha. Waxaa la sheegay doorashadii 2011 ka ee dalkaasi ka dhacday in kaliya LABA cod ay xumaadeen.
Tirada dadka Gambia waa LABA Milyan ay 93.5% yihiin Muslimiin. 51 Kii sanno ee ka dambeeyey Xoriyadii Gambia, waxay bulshada Gambia arkeen Laba Madaxweyne. Waa dal ay bulshadu u guuxayso isbedel. Madaxweynaha Gambia, Yahya Jammeh wuxuu dalka xukun ciidan ku qabsay 1994. Waxa Madaxweyne loo doortay 1996, waxa dib loo doortay sannadihii 2001, 2006 & 2011. Mar la waydiiyay xiliga uu ka tagayo xukunka wuxuu ydhi “Waxan Gambia xukumi doonnaa bilyan sannadood haddii Illaahay (SWT) qoray”.
2007 dii, Madaxweyne Jammeh wuxuu ku andacooday in uu awood u leeyahay dawaynta cudurka HIV/AIDS & Xiiqda isagoo isticmaalaya dawooyin dabiici ah.
Beesha caalamka ayaa dhaleecaysay oo tidhi wuxuu isticmaalayaa daaweyn aan la hubin oo khatar ku ah nolosha bani’aadamka.
Waxaa xilka uga horeeyey aas-aasihii Gambia Sir Dawda Kairaba Jawara oo dalka xukumayay 1962 – 1994. Yahya Jammeh waxaa hadda la tartamaya hogaamiyaha xulafada mucaaradka Adama Barrow.