|

‘’Ma Haboona sii Socoshada Khilaafka Maraykanka Iyo Ruushku’’ Wasaaradda arrimaha Dibada Maraykanka

Washington 17. September 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda arimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa sheegtay in aanay haboonayn inay sii socdaan khilaafaadka u dhexeeya dalka mareykanka iyo Ruushka.

Af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda dalka mareykanka ayaa waxay sheegtey in Xoghayaha arimaha dibadda dalka mareykanku uu aaminsan yahay in khilaafka siyaasadeed ee labada dal u dhexeeyaa ay haboon tahay inaanu  sii kordhin.

 

Af-hayeenku waxa ay intaa ku dartay in Xogahayaha Arimaha dibadda Mareykanku Mr,Telersoon uu rajeynayo in labada dal ee Mareykanka iyo Ruushku ay isla gaadhaan heshiis horseedi kara in la sii xoojiyo cilaqaadka labada dal.

 

Hadalkan ayaa waxa uu soo baxay iyada oo wasiir ku xigeenka arimada dibadda dalka Ruushku uu ka dhawaajiyey in dalkiisu ku tala jiro in Dacwad maxkamadeed ka Gudbiyo dalka Mareykanka todobaadyada inagu soo fool leh isaga oo intaa raaciyey in dalkiisu aanay ula muuqan in wax heshiis ah laga galo talaabadii Washington kula kacday diblumaasiyiintooda.

 

Dhanka kale Dalka Ruushku waxa uu bishii July ee la soo dhaafay uu Mareykanka ka dalbaday inay dhimaan tirada shaqaalahooda diblumaasiyiinta ah  Ruushka jooga in ka badan kala badh 455 Qof taasi oo ah tiro u dhiganta tiradii diblumaasiyiintii Ruushka ee mareykanku dalkooda ku eryey isla markaasina Jawaab u ah Cuna qabataynta Cusub ee Kongaraska mareykanku isku raaceen in Ruushka lagu soo rogo.

Comments are closed