“Ma habboona in waqtigan wada hadal lala furo Soomaaliya” Gudoomiye Cirro
Hargeysa, 17 May, 2016-(SDN/QJ): – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa soo jeediyay inaysan xilligan habboonayn in dib loo bilaabo wada hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cirro ayaa sheegay in dadka Somaliland ay u diyaar garoobayaan doorasho aysana suurtoobi Karin in bilaabo wada hadal.
Dhanka kale Cirro wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya qudhadeedu ay mar dhow galayso doorasho oo aysan diyaar u ahayn wada hadallo.
Taladan uu soo jeediyay xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa timid xilli lasoo jeediyay in dib loo bilaabo wada hadalladii istaagay ee Somaliya iyo Somaliland.
Lama hubo natiijada ka dhalan karta wada hadal dib u furma ayadoo la og yahay in labada dhinac ay kala taagan yihiin laba mawqif oo xag jir ah.