|

“Ma doonayno in cid gooniya ay shaati gashato” Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Baaq culus oo u diray Al-Shabaab DHAGAYSO

Muqdisho 17.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno kale oo ka tirsan labada Gole ee dowladda iyo boqolaal dadweyne aad u fara badan ayaa maanta salaaddii ciidda kula tukaday masjidka Isbaheyga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

???????????????????????????????Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ay isaga iyo Madax kale oo dawladda ka tirsani Shacabka kula tukadeen Salaadda Ciidul-fidriga Masjidka Isbaheyga Islaamka ee magaalada Muqdisho. Waxaanu Madaxweynuhu ummadda Soomaaliyeed Allaah uga beryey inuu sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo, midnimo, wada-jir, caafimaad, horumar iyo farxad, isla markaana uu ka aqbalo Acmaashii suubbanayd ee bishii Barakaysnayd ee Ramadaan, sidoo kale Shucuubta Islaamka, ayuu iyagana intaas in le’eg ugu duceeyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaaddii Ciidda ka dib, Khudbad ka jeediyey Maajidka Isbahaysiga Islaamka, waxa uu ka hadlay arrimo badan oo kala duwan, waxaanu yidhi; “Illaahay ha innaga aqbalo soonka iyo Cibaadada kale ee aan la nimid Ramadaanka, Dadka Soomaaliyeedna Illaahay ha siiyo Raxmad, Nabad iyo Caddaalad.”

“Innagoo ka faa’ideysaneyna Munaasabaddan weyn ee kheyrka leh, waxaan Soomaalida ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiinta, Nabad kuwada noolaansho iyo in la iska illaabo wixii tegey Illaahay dartiisa, si aan wanaagga aan hadda haysanno mid ka sii sareysa u gaadhno.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

“Soomaaliya si tartiib tartiib ah ayay uga gudbeysaa waayihii mugdiga ee la soo marey, si aan horumar u gaadhno waxaa khasab ah in talada la wadaago. Siyaasad ama go’aan koox gaar ah ay wadato waddankan laguma hoggaamin karo, meelna laguma gaadhi karo. Waxaan wax ku noqon karnaa, meelna ku gaadhi karnaa innagoo wada-tashanna, Caddaalad ku dhaqanna iyo inaan dawladnimada iyo Sharciga taageerno.’’ Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh.

Madaxweye Sheekh waxa uu Kooxda Al-Shabaab ugu Baaqay inay Ciddii ka waantawda ama go’ansata dagaalka iyo dhibaatada ay Kooxdaasi wax ku doonayaan, kaa beddelkiisana nabadda taageera ay dawladda Federaalka Soomaaliya Cafis u fidinayso, soona dhawaynayso, isla markaana ay iyagoo xorriyad ah si Sharaf leh u joogi doonaan oo ay dib uga mid noqon doonaan Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya oo arrintaa ka hadlayaa yidhi; “Waxaan ugu Baaqayaa Malleeshiyada Al-Shabaab in weli albaabbada cafisku ay furan yihiin, Fursadna loo siinayo inay Shacabkooda dhinac ka raacaan. Waddankan dhibaato ku filan ayuu soo marey, umana baahna in mid kale loogu sii daro.”

“Waxaan idiinka digayaa inaad ku dhimataan xaalad aad waddankiinna iyo Shacabkiinna cadow ku tihiin oo aad baabi’ineysaan. Taasina Aakhiro iyo Adduunba, wax kuma heleysaan. Kuwii hore idiinka soo goostey, dawladda Soomaaliya way soo dhaweysey, mana jirto cid wax loo geystey ama la ciqaabey. Markaa, waa inaad ka faa’ideysataan fursaddan weli idin furan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud.

Gobollada, Magaalooyinka iyo Degmooyinka kala duwan ee dalka Soomaaliya, ayaa sidan oo kale looga Ciiday, iyagoo Masuuliyiinta dawladda ee heer Qaran, Xukuumadeed, Maamul-goboleed, mid Degmo, ay Dadweynaha kala qayb-galeen Tukashada Salaadda Ciidda, isla markaana Khudbado uga jeediyeen Masaajiddada iyo Garoommada ay Shacabku isugu soo baxeen si ay Salaadda Ciidal-fidriga ugu tukadaan, iyagoo dadku isugu hambalyeynayey farxadda Ciidda oo ay si wacan isugu soo diyaariyeen, ugana muuqatay dushooda sida ay u soo labbisteen, isuna soo carfiyeen.

Comments are closed