“Ma Diidani In Su,aalo Madaxweynaha La Weydiiyo Laakiin Marka Boqol Saxafi Ay Halkaasi Yimadaan Oo Qaar Badan Oo Ka Mid Ahi Macno Ahaan aanay Garanayn Su,aasha Ay……”Afhayeen Dhuxul.
Hargeysa:Jan,08,2015(SDN/QJ)-Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa ka Hadlay Sababta isagoo xilliyadii Dawladihii hore ee Somaliland caan ku ahaa Weydiinta Su’aalaha Taagan Ee Madaxda dalka, waxa uu haatan oo uu madaxtooyada galay udiido in madaxweyne Siilaanyo su’aalo la weydiiyo.
Afhayeenka oo ugu horrayn ka jawaabayey Su’aal laga weydiiyey Waxa iska beddelay aragtidiisii uu su’aalaha badan u qabay, ayaa arrintaas Food-saaro uga dhigtay in la gaadhay Halkii isaga Hankiisu ahaa oo ah inuu kaliya Madaxweyne Noqdo Mudane Siilaanyo,
“ Waxaa Is Bedeley Waxaa Weeye Waxii Aan Doonayey Ayaa Is Bedaley Oo Siilanyo In Uu Madaxweyne Noqdo Ayaan Doonaayey Madaxweyne Kasta Su,aalaha Waa La Weydiiyaa Oo Taasi Waa Mid Iska Caadi Ah.” Ayuu yidhi Afhayeen Dhuxul.
Afhayeenka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa markale isku dayey inuu jawaab lagu qanco ka Bixiyo sababta Xubnaha madaxtooyada ku xeeran uga dagaallamaan in Madaxweyne Siilaanyo Saxaafadda dalku ay Su’aalaha xaqa loogu leeyahay weydiiyaan, waxana uu taas ku sababeeyey in qaar badan oo saxaafadda kamid ahi aanay aqoon u lahayn su’aasha ay madaxweynaha weydiinayaan, waxana uu yidhi,
“Ma Diidani In Su,aalo Madaxweynaha La Weydiiyo Lakiin Marka Boqol Saxafi Ay Halkaasi Yimadaan Oo Qaar Badan Oo Ka Mid Ahi Macno Ahaan Garanayn Su,aasha Ay Weydiinayaan Saxaafada Waa La Yaqaana Oo Saxaafad Faro Badan Ayaa Jirta Lakiin Haddii Ay Saxaafadu Is Habeyso Wixii Dalka Wanaag Ah Iyo Dhaliilo ahba ee ka jira In Madaxweynaha La Weydiiyo Waa Mid Caadi Ah”
Afhayeenka Madaxtooyada, ayaa dagaal ba’an la galay saxaafadda Madaxa Bannaan ee Dalka, waxana uu si joogta ah udiidaa in saxaafaddu su’aalo weydiiso Madaxweynaha.
Waxyaabaha kale ee Afhayeen dhuxul uu hab dhaqankii warka madaxtooyada loo heli jirey kusoo kordhiiyey, ayaa waxa kamid ah inuu gebi ahaanba warbaahinta inteeda badan u diido inay soo doontaan wararka madaxtoyada, ka dhaca, isagoo kaliya halkaas kusoo casuuma Warbaahinta qoraalka ah iyo waliba shabakadaha wararka oo iyaga Bulsho badani ku xidhan tahay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com