|

Ma Dhabbaa In Xukuumaddu Iibinayso Dhulka Xeradda Birjeex Iyo Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa?

Hargaysa 30. Decembar 2015 (SDN/QJ):- Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland oo shalay ka qayb galay dood idaacadda BBC  qabatay  oo isaga  iyo Xildhibaan Balaaki wax lagaga waydiiyay miisaaniyadda 2016, ayaa sheegay in xukuumaddu damcsantay inay dhulka xeradda ciidmadda ee Birjeex iyo meelo kale.

Jirdee
Xildhibaan Jirde wuxuu dooddaa miisaaniyadda ka sokow xusay in xukuumaddu damacsantay iibinta meelo kale, isla markaana wuxuu xusay in haamaha shidaalka oo la wareejiyay lagu soo daray miisaaniyadda.“Haamihii la wareejiyay, lana iibiyay ayaa haddana dakhli iyo kharashba ugu jira miisaaniyadda, markaa haamaha iyagoon Golaha iyo xukuumaddu ka heshiin in lagu soo daro maaha. Waxa is weydiin leh oo maanta suuqa ku jirta in xeradda birjeex la iibin doono, waxa laga shakisan yahay in saldhiga dhexe ee Hargeysa la iibin doono. Markaa dawladdu ha cadayso hantida ay iibinayso kuway yihiin iyo qaabka ay u marayso. Lakiin wax muhmal ah oo loo saxeexayo oo ay tidhaahdo hantidaas ii saxeexa ma jirto,” ayuu yidhi Xil. Cabdiqaadir.

Dhanka kale Xil. Balaaki oo ka soo hor jeeday aragtidiisa ayaa sheegay in xukuumaddu xaq u leedahay inay iibiso hantida dawladda, isla markaana uu dastuurku u ogol yahay in xukuumaddu iibin karto dhulkeeda.  Inkastoo Xildhibaanku tibaaxay wararkaa, haddana ma jiraan warar si cad uga soo baxay dhanka xukuumadda oo la xidhiidha arrintaa. Dhanka kale xukuumadda ayaa hore u iibisay dhul badan oo dawladu lahayd, kuwaasoo dakhligii ka soo baxay ay mucaaradku ku dhaliilaan xukuumadda in aan loo isticmaalin

Comments are closed