|

Ma Dhabbaa In Maareeye Cali Xoorxoor Ka Diiday Wasiirka Madaxtooyadda Inuu Saxeexo Qoraal Muujinaya In Shaqaaluhu Ku Kalsoon Yihiin Heshiiska?

Hargaysa 04.Aug 2016 ((SDN/QJ):-Xubno Wasiirro ah oo ka tirsan Guddiga dhinaca Xukuumadda Somaliland u qaabbilsan hirgelinta Heshiiska wareejinta Dekedda Berbera oo Berbera u tegay dejinta xaaladda Shaqaalaha Muruq maalka ah ee Dekedda Berbera ayaa la sheegay inaan weli xal laga gaadhin arrintaa, isla markaana weftigii wasiirada ahaa ay shalay dib ugu soo laabtay Hargeysa.

Xoor XoorWasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo ka hadlay natiijadda kulamaddii ay la yeesheen muruqmaalka, isla markaana ka hadlayay goobtii shirka oo ay wada fadhiyeen labada dhinac ayaa  sheegay inay is afgarteen shaqaalaha muruqmaalka dekedda. Mar uu ka hadlayay waxay ku heshiiyeenna wuxuu yidhi; “Waxaanu wadnaa 3,000 ee maanta ka shaqaysaa in ka badan inay shaqo ka hesho, ayaanu rabnaa oo aanu jecelnahay marwalba.  Saddexda kun waxay isugu jiraan shaqaale kala duduwan, dhamaantood waxa aanu u cadaynay in qof shaqo waayayaa aanu jirin xuquuqdooduna ay tahay mudaman, masuulna ay xukuumadu ka tahay, si fiican ayaanu isu afgaranay, way noo cawdeen, waa lanaga dhex shaqeeyey, warar badan ayaa noo kala tegay, anaguna waanu ka raagnay, balse waxa aanu ku kala tagnay is afgarad, waxa aanu ku kala tagnay in aanu xuquuqdoodii iyo kalsoonidoodii beerno, waxa aanu ku kala tagnay inay guddiyo kooban soo qaybsadaan oo aanu arrimahooda meel ku tiirino, annagana waxa naga go’an in aanu dhamaantood maslaxadahooda meel ku tiirino, waayo dawladoodii ayaanu nahay masuul ayaanu ka nahay, kulankaasina waxa uu ku soo afmeermay is fahan iyo is afgarad wanaagsan waana mida aanu shirkan u qabanay. Kolayba waa loo dhegtaagayee in aanu intaa ku muujino dhamaantoodna waanu u mahadcelinaynaa shaqaalaha dekeda, masuuliyiinta dekeda iyo masuuliyiinta maamulka gobolkaba dhamaantood.”

Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoorxoor oo isna ka hadlay kulamddii dhex maray weftiga iyo shaqaalaha iyo madaxda dekedda ayaa sheegay,  in aanay wax dhibaato ahi ka taagnayn shaqaalaha rasmiga ah ee liiska mushaharka ku jira, balse muruqmaalka oo doonayay inay faahfahin xukuumadda ka helaan laga wada hadlay. Xoorxoor wuxuu intaa raaciyay in muruqmaalka iyo guddiga xukuumaddu ay si fiican u wada hadleen, aakhirkiina lagu heshiiyay inay soo sameeyaan guddi, waxyaabaha aasaasiga ah ee ay doonayaan in wax lagala qabtana ay ku soo koobaan qoraal.

Geesta kale isla goobtii uu Wasiirka Madaxtooyadu ka hadlay waxa iyana ka hadlay xubnaha muruq maalka u metelayay shirkaa, kuwaasoo laba ka mid ah oo u hadlay ay sheegeen in aanuu jirin heshiis buuxa oo qanciya oo laga gaadhay cabashaddooda, balse waxay xuseen in wadahadal u furmay. “Heshiis buura ah oo aanu la gaadhnay wasiiraddu oo aanu saxeexnay ma jiro. in qaliil ah oo aan na deeqin weeyaan, laakiin hadalku wuu noo furmay, balan qaadanay, isku soo noqonayno.” sidaa waxa yidhi mid ka mid xubnaha shirkaa uga qayb galay kulankaa.

Intaa kadib waxa la sheegay in loo balansanaa shalay in kulamo kale la sii amba qaado, hase ahaatee, waxa la sheegay inay weftigu dib ugu soo laabteen Hargeysa. Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in natiijo la’aantaa  kadib ay shalay subax Wasiiradu  hordhigeen  Maareeye Cali Xoorxoor qoraal ka turjumaya kalsoonida shaqaalaha, isla markaana u sheegeen  inuu sameeyo saxeex heshiiska u damaanad qaadaya kalsoonida shaqaalaha, hase yeeshee waxay xogahaasi tibaaxeen in Maareeyuhu diiday inuu sameeyo saxeexaa, kuna tilmaamay inuu yahay wax aan la isku ogayn.Xoghaasi waxa kale oo ay tilmaameen in wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi iyo Maareeye Cali Xoorxoor isku afdhaafeen arrintaa, Xoorxoorna uu ku adkaystay xitaa haddii xilka lagaga qaadayo in aanuu saxeexayn, sidaanna ay ku kala tageen. Hase yeeshee ma jiraan wax dhaafsiisan tibaaxdaa oo xaqiijinaysa jiritaanka warkaa, mana jiraan wax war ah oo amuurtaa la xidhiidha oo ka soo baxay dhinacyada ay khusayso.

Comments are closed