|

Ma Dhabaa in Wasiirka Duulista Somaliland doonayo in Shirkada Itoobiya Airline la Wareegto Maamulida Madaarada Somaliland

Hargaysa 24.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo dalka Imaaraadka u tagay sidii uu shirkadda Duulimaadyada Imaaraadka Carabta ee Al-carabiya Heshiis ugula gali lahaa maamulka madaarada Dalka ayaa ku sugan dalka Itoobiya halkaas oo la sheegay wadahadalo la mid ah kuwii uu Imaaaraatka la tagay in uu iyana ula tagay.

Wasiirka-duulista iyo dhigiisa itoobiyaLama oga illaa hada wadahadalada Maxamuud Xaashi la leeyahay masuuliyiinta Itoobiya Air-line, hase yeeshee waxay ku soo beegmaysaa maalmo uun kadib markiiw asiirka Ganacsiga iyo Shirkadda Diyaaradaha Al-carabiya labadooduba u shaaciyeen in aanay wax wadahadal ah ka galin arrimaha Madaaradda balse ay jiraan wadahadalo ay la yeesheen Hay’adda Madaarada Shaariqa, kuwaas oo ah hindise hordhac ah.

Shirkadda duulimaadyada Itoobiya Airline ayaa dhawaan joojisay Duulimaadyadeeda Hargeysa iyadoo ka cabatay arrimo dhinaca Amaanka ah oo uu ka kow ahaa Taar ama dayr lagu wareejiyo madaarka, kaasoo ay shuruud kaga dhigeen soo noqoshadoodii xiligaas oo uu wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis wadahadal kula soo galay in ay dhamaynayaan, balse sida muuqata Wasiir Maxamuud Xaashi illaa hadda muu fulin balankaas, isagoo haya kharashkii ay Dawladda Kuwait ku bixisay Siligaasi.

Sidoo kale, waxa caqabadi ka taagan tahay Xeer uu wasiir Maxamuud Xaashi ku doonayo in uu wasaaradda ama maamulka madaaradda kaga dhigo hay’ad madax banaan taasoo uu Xeerkeedii hordhaca ahaa horyaalo Golaha Wakiiladda, balse sida ay Waaheen ilo wareedyo u dhuun daloola arrintani u sheegeen waxa ku muransan fulintiisa Wasaaradda Maaliyadda, taasoo u aragta in aan la madax banaanayn, isla marakaana waxa la sheegay Shirkii Golaha Wasiiradda ee u danbeeyey ee Siilaanyo guddoominayey dood dheer kadib in uu u xil saaray madaxweyne ku-xigeenka Kiiskaasi.

Qandaraaskii lagu bixin lahaa shanta Milyan ee ay Dawladda Kuwait ku soo caawisay Madaaradda Somaliland si loogu dhamaystiro wixii qabyo ka ah dhabada iyo bilicda Garoomada ayaan iyana dhinacna u dhaqaaqi waayey kadib markii la waayey cid soo doonata qandaraaskaas oo mar la furay, kaasoo aya shirkadda China Horn Group ooh ore u fulisay dhismihii hore ka shaacday kadib markii wasiirku faragalin ka dayn waayey lacagtaaasi.

Si kasta ha ahaatee iyada oo ay dhaliilahaas oo dhan oo in Wasiirku wax ka qabto looga fadhiyey ayuu hadana ku mashquulsan yahay Qandaraasyo kale oo uu dhaqaale ka helo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed