MA DHABAA IN SIILAANYO LUG KU LEYAHAY SHIRKA TALEEX
maah maah somaliyeed ayaa ahayd khayr waxba kuma yeelo ee baalayada u toogo hay hadaynaan taariikhda ku fogaan o aynu ka so qaadno laba sano ka hor uun dawladii riyaale sanadkeedi ugu danbeeyay wadanka somaliland xuduudihiisu way sugnaayeen waxaanu kaga tagay riyaale wadanka o dhigihiisu is haystan.
is badalo badan iyo xaalado ku ugub ah wadanka ayaa ka dhacay intii ay xukuumada cusubi la wareegtay dalka o dhan walba saamaysay ha noqoto dhan amaan , dhaqaale , iyo xuduudihii somaliland o aan sugnaynba .
aan u so noqdo sababta igu kaliftay inan fikirkayga ka dhiibto kaas oo aan ku so uruurin doono shirka taleex ka socda ee lagaga dhawaaqay maamul goboleedka.
‘
hore daah inoogama saarna beesha dagta gobolkaasi marxaladihii kala duwana e ay so mariyeen madax waynihi labaad e somaliland mudane maxamed x ibrahim cigaal iyo inay ku dhamaatay ergo ku darso lacagti shilinka somaliland la odhan jirayna gobolkaas ayuu ku dhamaaday maalinba shir sidii lo fan garaynayay e kharash gawaadhi loogu gurayay ee aanu hadana kaaga darane wax la taaban karo oo u dan ah beeshas iyo somalilandba aanu uga so bixi jirin.
hadaba somalida tidhaahda ciridkaan arko ilko kama so jeedan xukuumadu way la socotay in shirkani lid ku noqon doono jiritaanka somaliland sababta ay intaa u daawanaysay wa maxay ?
markan fikirkayga iyo aqoonta aan u leeyahay tariikhda madax waynaha somaliland mudane ahmed silanyo aan dib u raaco waxaa kuu cadaanaysa in shirkan aw raali ka yahay madaxwayneheenu taas oo aan cadayn uga dhigayo kaliya mabda’a siyaasadeed ee aw aaminsanyahay madaxwaynuhu
madaxwayneheenu hadii aw aaminsanyahay somaliland qodobka koobad ee qudbadiisa ayuu ka dhigi laha arinta shirka taleex shacabkana waxa aw ugu bushaarayn laha talaabada aw ka qaadayo sida ugu dhakhsiyaha badan lakin marka aad u fiirsato sida aw uga hawl yaraystay iyo qudbadiisu waxay ku siinaysa inuu silanyo gacan ku leeyahay shirka
waxa kale oo aad ogaanaysa kharashka lagu isticmaalayo taleex in aw ku jirto lacagteeni aynu xuquuqda u lahayn
runta marka la isku sheegayo anigu ma aaminsani iyadoo dhulkii somaliland iyo xuduudihi somaliland la jar jaraayo oo loo badheedhay in la dumiyo qaranimada iyo jiritaanka somaliland in ay silanyo daacad sidani ka tahay
madax wayne silanyo xaqiiqadiisu wa siyaasi aad u culus miisan ku leh geeska africa ithopia ilama mingste hayla maryam ayay so wada shaqeeyen jibouti sidoo kale sharaf ayuu ku leeyay geeska africa somaliland way ku so yaraatay manta jaanis aad u mihiim ah ayuu u haysta inu noqdo madaxwaynaha jamhuuriyada dimoqraadiga somalia o caalamka o dhan aya ku taageersan sidaas
ismail buuba sxb ayay yihiin runta ayuu ka sheegay waraysi laga qaaday wuxuu yidhi ismail danta gobalada waqooyi waxay ku xidhantahay somalia silanyo midhkaas aya hor taagan jaaniskiisana isma dayacayo hadii aanad garan waxa maanta jooga barina ma garatid ma odhanayo qaybka ayaan ka hadlaya lakin sida ay u muuqato wa in khal khal siyaaasadaysan la galiyo amaanka somalialand ka dibna ciidamo la keeno african ah then halkaa lagu masaxo wax somalialnd la yidhaahdo o lagu badalo somalia then hargaysa casimada somalia silanyo madaxwaynaha somalia warka o cadi sidaas ayuu u socda siyaasada silanyo ayaan fasilay kaliya
habeen sadexaadki madaxtooyada somaliland sir ka so fakatay albaabaduna ay u xidhayen aya waxa ku shirayay beesha wadanka xukunta shirkaas gudihiisa aya nin ay ka dhab tahay somaliland nimadu o shirka ku jiray aya silanyo ku canaantay in aanu wadanki meelina gacanta ugu jirin xukuumada sababtana aw isagu leeyahay waxa kale oo aw ku canaantay inuu dhag kaliya silanyo leeyahay dhagtaasna aw xirsi tooriyaale wax uga sheego ka dib xirsi o shirka ku jiray aya baskolad ula so baxay ninki shirkiina halkaas ayuu ku xidhmay bal hadaba aan suaal idin waydiiyo ee ma taas ayaa madaxtooyo noqonaysa malina dadka lagu dhex laynayo malina toorayda la isku eryanayo malina baskooladaha la iskula so baxayo !!! ?
runtii waxaa la gudboon shacabka somaliland u dhashay inay ay amaanka wadanka ilaashadan nimankan siyaasiyiinta ahi nin walba caruurtiisu dibada ayay ku maqantahay account kiisuna wuu buuxa o lacagti wadankaba iyaga qaata dhaw passporna way haystaan ninka manta dhibka ay ino horseedayan aw taabanaya wa inaga iyo ku ku dhex nool wadanka amaankeena aynu ilaashano hadii aw amaankeena silanyo iyo xukuumadiisu ka hor imanayso o ay sabab u noqonayan burburka iyo baabiinta midnimada somalialand yaynaan u habran one day one vote aya ku filan
hadii ay cidi ka damqato maqaalkaygan waan ka raali galinaya qabiil maan aflagaadayn madaxwayne ayaan xaqiiqadiisa sheegay xaq ayaanan u leeyahay inaan runta ka sheego wayo mustaqbalka dadkayga dalkayga sumcadayda aya ku xidhan wadanka aw hogaaminayo inagana dooranay inaagana ridi karnba.
allaa mahad leh
Yahye A. Askar
yaxyem@hotmail.com