|

Ma Dhabaa In Shirkada Dp-World Dalbatay In Dubai Loogu Geeyo Oday Dhaqameedka Hogaamiya Beesha Gobolka Saaxil,Maxaase Ka Reebay Waftigii Madaxweyne Xigeenku Hogaaminayay ee Dubai Ku Sugan?

Hargaysa 19. March 2017 (SDN/QJ):-Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore ka helay Illo-Wareedyo kala duwan ayaa shaaca ka qaaday in Madaxtooyaddu ku Fashilantay dalab uga yimid Masuuliyiinta Shirkada Dp-World ee Dubai Fadhiya oo ku saabsanaa in Dubai loogu geeyo oday Dhaqameedka hogaamiya ee talada loo daba fadhiisto ee ka soo jeeda Beesha Degta Gobolka Saaxil ee Caasimada Berbera oo maalmihii u dambeeyay uu ka taagnaa Buuq iyo Qaylo lagu diidan yahay Mashaariic kala duwan oo Horumarineed oo Dalka Imaaraatka laga siiyay Gobolkaasi.

Inkasta oo Suuqyada Siyaasada Magaalada Hargeysa la soo galiyay inay Odayaashaasi raaci lahaayeen Waftiga haddana Warkaasi waa beenoobay,waxaana Wararka Foore ka helay arintaasi iftiimiyeen in Madaxtooyaddo kulamo gooni gooni ah la gashay Odayaashaasi oo dhawr oday oo miisaan leh ka koobnaa islamarkaana ay u bandhigtay inay Waftiga raacaan, oo ay xoojiyaan balse Odayaasha ayaa sida la sheegay ka gaws adayga islamarkaana diiday inay Waftigaasi raacaan,iyagoo meel adag ka istaagay inay ku dhex milmaan Waftiga Xukuumada,Waxa ay wararkani sheegeen oo ay intaasi ku dareen in Odayaashu kulamo ay la galeen Madaxtooyadda ay u sheegeen inaanay arintaasi yeelayn illaa la dhameeyo arinta taagan ee Berbera iyo Shaqaalaha cabanaya ee qayladoodu taagan tahay.

Wararkan ayaa intaa ku daray in Oday dhaqameedkan reer Berbera oo ah gudida ugu saraysa ee loo daba fadhiisto talada Beesha Degta Gobolka Saaxil ay markii hore soo dalbadeen Masuuliyiinta sare ee Shirkada Dp-World ee Fadhigoodu yahay Magaalada Dubai oo ay doonayeen inay Dubai kulan kula yeeshaan,kalana hadlaan Arinta Dekeda ka aloosan,iyo waxa xalku noqon karo,waxaanay sida la sheegay dalabkoodaasi soo mariyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,iyagoo sida la sheegay toos u sheegtay inay Doonayaan in loo keeno Odayaasha deegaanka Berbera ee waliba hormoodka taladu ka go’do ah,.

Wararkan ayaa intaas raaciyay in shirkadu sidoo kale ay Xukuumadda ka dalbatay in odayaashaasi la soo raaciyo Maareeyihii hore ee Awooda badnaa ee Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor,kaasi oo sida la sheegay hadda Hargeysa ku sugan balse aan Wax shaqo ah ka hayn Xukuumadda.

Oday dhaqameedkan ayaa iskugu jira Ganacsato,Salaadiin iyo Cuqaal,Waxaana sida aanu warka ku helnay kujiray Oday Muuse Dalab,Jaamac Rooble,Axmed Caaqil yare,iyo Salaadiin illaa laba Suldaan Ka Kooban,iyo sidoo kale Cuqaal ka soo jeeda Gobolka Saaxil kuwaasi oo saamayn badan ku leh Gobolka Saaxil iyo Dadka Deegaankaasi ka soo jeedabada,Waana gudida ugu sareeysa ee u dhaq dhaqaaqda hadba Wixii ka soo kordha Deegaanka Berbera, awood badan ku leh inay go’aan ka gaadhaana ama xal ka dhalin karaa Mushkilada kasta oo dadka deegaankaasi la soo darista.

Comments are closed