Ma Dhabaa In Musharaxa Jagada Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga UCID Noqon Doono Mid Ka Mida Siyaasiyiinta Kooxda Khaatumo Kadib Wadahadalka S/land Iyo Khaatumo?
Hargaysa 10. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid waxaa uu kamid yahay Saddexda xisbi qaran ee ku loolamaaya Tartanka dorashada madaxtanimaada ee dalka ka dhici doonta 13 bisha November ee sannadkan 2017 waxaana xisbiga Musharaxa ka ah Eng Faysal Cali waraabe oo laba jeer oo hore ku guuldaraystaay Tartanka Madaxtiniimada dalka, waxaa xisbigaas bilihii ugu dambeeyay badi goob ugu jiray helitaanka musharaxa ku xigeenka xisbiga Ucid kaas oo ka garab ciyaari doona Eng Faysal Cali Waraabe oo markii saddexaad isku soo tagay tartanka madaxtiniimada dalka.
Maadaama musharaxiinta Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye kasoo jeedan Gobolka Awdal waxaa xisbiga UCID ku dhawaaqay in musharraxa madaxweyne ku xigeen ee xisbigaas lagaa soo xuli doono Gobolada Berriga Somaliland Gaar ahaana gobolada Sool iyo Sanaag waxaanay taasi keentay in Tuhun galo qaar kamida siyaasiyiinta ugu tuunka weyn ee kasoo jeeda Gobolada Berriga Somaliland, kuwaas oo laala xidhiidhinaayo inay Noqdan Musharaxa ku xigeen xisbiga ucid.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waa inkasta oo uu yahay waa Guddoomiye Mucaarid ah, waxaa uu kamid yahay Guddida wadahadalada Somaliland uu qaabiilsan wadahadalka kooxda khaatumo wuxuuna kamid yahay xubnaha ugu cadcad ee Somaliland mataalaya, iyadaa oo shacabka Somaliland suaalo badan iska weydiiyeen cida uu Noqon doono musharaxa kasoo jeeda gobolada berri ee ku xigeenka uu Noqon doona Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa loo badinaaya inuu noqdo mid kamida siyaasiyiinta ku abtirsaada kooxda khaatumo, madaama Gudoomiye Faysal Cali waraabe xidhiidh dhow la sameeyay siyaasiyiinta ugu Tunka weyn kooxda khaatumo.
Si kastaaba ha ahaate Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Eng Faysal Cali Waraabe mar uu Khudbad uu jeedinayay Taageerayaal kusoo biiray xisbigaas maalintii khamiisti waxaa uu sheegay in wadahadalka khaatumo iyo Somaliland ku xidhanyahay Musharaxa ku Xigeenka xisbiga Ucid taasina waxaa ay daaha ka qadaay ololaha xisbiga ucid ugu jiro helida siyaaysi ka tirsan kooxda khaatumo oo buuxiya Mansabka Musharaxa ku Xigeenka xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID.