Ma dhabaa in Itoobiya Qarinayso in Cudurka Ebola uu dalkeeda soo Gaadhay,Shayga ugu Saamaynta badan ee Cudurkan Somaliland keeni kara DAAWO
Hargaysa 15.Oct 2014 (SDN/QJ)- Hadal haynta ugu badan ee ku soo korodhay Bulshada Somaliland ayaa noqotay Faafitaanka Cudurka Ebola oo la soo Wariyay in astaamo ka mid ah Xannuunkan halista ah lagu arkay dalka Itoobiya taas oo Wararku sheegeen in Sarkaal ka Socday mid ka mid ah Wadamada Galbeedka Africa ee Cudurkani Saamaynta adag ku yeeshay uu u soo waariday Itoobiya,Inkastoo dawlada Itoobiya ay arrintaas ku tilmaantay Mid Xaqiiqada ka Fog .
Dhinaca kale Waxaa Jira dareeno Muujinaya in dhawaqa itoobiya aanu ka turjumayn Jiritaanka Cudurkan lagu sheegay inuu dalkeeda u soo talaabay Waxayna Tibaaxuhu xusayaan in Dawlada Itoobiya ay ka baqdin qabto in hadii ay Cadayso in Cudurkani dalkeeda u soo talaabay uu hoos u dhac dhaqaale ku imanayo.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com