|

Ma dhabaa in Guddoomiyaha UCID iyo Musharaxa Xisbigaasi ku kala duwan yihiin xalka dib u dhaca Doorashooyinka?

London 13,2015(SDN/QJ)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka UCID Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa xilka madaxweynaha ee xisbigaas Jamaal Cali Xuseen oo safar ku maraya qaarada Yurub ayaa siyaabo kala duwan uga waramay xalka dib u dhaca doorashooyinka Somaliland.

Musharaxa madaxweyne ee UCID ayaa mar uu kulamo la kala yeeshay Jaaliyada reer Somaliland iyo saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha dibedda ee UK ayaa waxa uu ku celceliyay in aanu marnaba raali ka aheyn dib u dhac ku yimaada doorashooyinka madaxtooyada Somaliland.

Jamaal ayaa mar uu la hadlayay saraakiisha wasaarada arrimaha dibedda ee UK waxa uu soo jeediyay in xukuumada Somaliland lagu cadaadiyo qabashada doorashooyinka, waxaanu soo jeediyay in la hakiyo caawinada la siiyo Somaliland si loo xaqiijiyo doorashooyinka.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo qudhiiso maraya Yurub ayaa kulamo la qaatay jaaliyada Somaliland iyo saraakiisha wasaarada arrimaha dibedda UK, isaga oo labada kooxoodba u sheegay hadal aad uga duwan kii Jamaal Cali Xuseem u sheegay.

Guddoomiye Faysal ayaa si toos ah iyo si dadbanba u sheegay in aaney suurtogal aheyn in doorashooyinku wakhtigoodii ay qabsoomaan, balse loo baahan yahay in dawlad KMG ah oo dalka doorashooyinka gaarsiisa la helo.

Saraakiisha arrimaha dibedda ee UK iyo Jaaliyada reer Somaliland ayaa walaac ka muujiyay sharciyada soo jeedimaha madaxda UCID iyo kala socodkooda, khaasatan sida aaney suurtogal u ahyen sharciyan in dawlad wadaag ah la dhiso.

Sidoo kale waxa ay UK ka dhego adeygtay in caawinada ay u fidiso Somaliland la siyaasadeeyo iyada oo la eegayo dan shakhsiyadeed.

Si kasta oo ay tahay waxa jira in madaxda UCID oo haatan heysta fursad ay ku kasbadaan shicibka ka niyad jabsan habdhaqanka xukuumada iyo Golleyaasha dalka aaney laheyn siyaasad sax iyo khalad ay ku mideysan yihiin.

SDN/QJ-London

contact@qurbejoog.com

Comments are closed