|

Ma Dhabaa in Geellaha Jabuuti ku Hawlan yahay Qorsheyaal Liddi ku ah Somaliland kadib Xidhiidhkii Dhaawacmay ee Labada Dal?

Hargaysa 22.May 2016 (SDN/QJ):- Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele arrimo siyaasadeed oo halis ku ah Amniga Somaliland uu ka wado Gudaha Dalka Somaliland iyadoo dhaq dhaqaaqii ugu horeeyay laga dareemay Cidhifka Bari ee Somaliland oo sida Warbixintan lagu sheegay uu Culayska ugu badan saaray.

Walaaca ay Shacabka Reer Somaliland ka qabaan Dabinada Dahsoon ee Uu Somaliland u Soohayo Madaxweynaha Jabuuti ayaa aad loogu hadal hayaa goobaha ay bulshadu ku kulanto ee Magaaladda Hargeysa.

madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne SiilaanyoWarbiximihii ugu dambeeyay ee Dhagaha bulshada ku soo dhacay ayaa sheegaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Lacag badan ku soo faraqay Dad ku sugan Magaalooyinka Hargeysa,Boorama,Berbera,Ceerigaabo Iyo Laascaanood,Goobahaasi oo ah magaalooyinka uu doonayo inuu Dano Siyaasadeed oo gaar ah uu ka fushado,Warar kale ayaa sheegay in lacagtaasi lala damacsanaa in hawlgalo Amni daro ah lagu fuliyo,oo Lagu wax yeeleeyo Xuskii Sida fiican u qabsoomay ee 18-May ee Saddexda Cisho ka soo wareegtay,balse ay Shacabka Somaliland aad uga foojignaadeen islamarkaana laga dareemay oo qudha Magaalada Laascaanood oo dad tiro yari mudaharaad ay kaga soo horjeedeen 18-May ay iskugu soo baxeen,kuwaasi oo markii dambe ay Ciidanka Amnigu kala eryeen.

Lama garanayo Sabaha Dhabta ah ee Tuhunadan Keenay iyo Xaqiiqada Jiritaanka Warnkan,balse sida tibaaxo lagu kalsoon yahay aanu ku helnay,Waxa uu Madaxweynaha Jabuuti duulaan ku yahay Heshiiska Wareejinta Dekeda Berbera ee ay Xukuumadda Somaliland sida rasmiga ah qalinka ugu duugtay Shirkadda DP-World,kaasi oo aad uga nixiyay Dawlada jabuuti oo ka cabsi qabta inay Dekedoodu xidhanto,Haddii Maalgasho caalami ah lagu sameeyo Dekeda Berbera oo markii hore Dekeda dhigeeda ah ka horaysay.

 

Warar kale ayaa sheegaya in Tuhunadani ay ku ladhan yihiin Arimo kale oo ganacsi iyo Siyaasadba iskugu jira,kuwaasi ka abuurmay xidhiidhkii dhawaa ee u dhexeeyay Somaliland iyo jabuuti ee Xumaaday.

 

Madaxweyne Geelaha Jabuuti ayaa saaxiib dhaw la ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Isagu Cadaawad Gaar ah u haya Somaliland,Waxaana suurtagal ah inay wax badan is waydaarsadeen islamarkaana ay isla rogrogeen sidii arintani u suurta gali lahayd.

Comments are closed