|

Ma Dhabaa In Bakhaarkii Dhawaan Ciidanku Ka Soo Qab-Qabteen Ragga Argagaxisada Ah Loo Tuhmay Inay Ka Dambeeyaan Ganacsato Ka Hinaastay Qiime Dhimis Shirkadaasi Samaysay?

Hargaysa 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Afar Caano Maal ayaa ka soo wareegay markii ay Ciidamo ka tirsan kuwa Bilaysku Salaad hore Hawlgal ka fuliyeen Bakhaar ganacsiyeed kuyaala Badhtamaha Suuqa Hargeysa oo lagu magacaabo Safa Group,halkaasi oo markii dambe ay ka soo kaxeeyeen tiro kor u dhaafaysa Illaa shan ruux oo rag ah,kuwaasi oo iskugu jiray Mulkiilayaashii Bakhaarkaasi iyo Dad shacab ah oo ka adeeganayay Suuqaasi,Waxaanay ragaasi qaarkood wali ku xidhan yihiin Xarumaha Argagixisada ee Magaaladda Hargeysa kuyaala.

Inkasta oo aan Wali Wax war ahi ka soo bixin sababta raggaasi loo xidhay xidhay,Hadana Waxa labadii Cisho ee udambeeyay Suuqyada ganacsiga Magaaladda Hargeysa aad looga hadal hayay Xadhiga Ganacsatadaasi loo gaystay,iyadoo hadal haynta badankeedu u janjeedho in Xadhiga masuuliyiinta Shirkadaasi iyo weerarkaasi ay ka dambeeyaan Qaar ka mid ah Ganacsatada tunka waa weyn oo sida la sheegay aad uga masayray qaabka ay macaamiisha Shirkadaaasi sare ugu kacayaan,Waxaana Suuqyada Hargeysa ku jira in hadal hayntaasi u badan tahay shaki laga qabo in xadhigaasi u xidhiidh la leeyahay dhinaca Tartanka Ganacsiga oo Mudooyinkan dambe aad looga dareemayo Ganacsatada Somaliland,iyagoo ay soo kordhayaan Ganacsatada jeeb waynayaal ah oo si toos ah alaabaha ugala soo degayaa dibada.

Wararkan ayaa intaa ku daray in Shirkadani Lagu magacaabo SAFA-GROUP ay mudo toban sano ah ka shaqaynaysay Dalka Somaliland islamarkaana ay leeyihiin Ganacsato dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka Soomaaliya ee aynu jaarka nahay.

Ganacsato aanu wax ka waydiinay Shirkadan ayaa noo sheegay inay shirkadani ka mid tahay Shirkadaha sida tooska ah Alaabada uga keena Dalka Dibadiisa,waxa ay sidoo kale dalka keenaan noocyo bariis ah oo aad u tayo sareeya oo aanay hore u keenin Ganacsatada kale ee Alaabada dibada kala soo degaa.

Wararkan ayaa intaa ku daray in shirkadani maalmihii u dambeeyay ay qiime dhimis ku samaysay dhinaca alaabada quutal daruuriga ah ee ay dalka soo galiyaan,Waana waxyaabaha loo aanaynayo inay ka abuurantay dhacdadan shakiga dhalisay ee loo gudbiyay Laamaha baadhista Somaliland.

Lamaaha Baadhista Somaliland oo ka mid ah tiirarka ugu awooda badan Hay’addaha Dawlada ee dhinaca baadhista ayaa laga dhursugayaa inay go’aan aan mad madaw ku jirin u gudbiyaan Maxkamadaha,Inkasta oo ay Suuro gal tahay in Sheekada Suuqa Ku Jirtaa ay Saamayn taban ku Yeelato Baadhistooda.

Comments are closed