|

Ma dhab baa in guddoomiyaha guddiga Diiwaangelinta Ururada siyaasaddeed natiijadii ay ku dhawaaqeen ka dib uu dalka ka dhoofay?

Hargeysa 22, April 2012 (Qurbejoog.com)- Guddoomiyaha guddiga Diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka Somaliland Mr. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), ayaa la sheegay inuu dalka ka dhoofay.

Ma jiro war rasmi ahaan guddigu ka soosaareen safarkaas, balse siday ilo xogogaal ahi tibaaxeen, guddoomiyuhu waxa uu dalka ka dhoofay ka dib markii ay Jimcihii soosaareen natiijada kala-reebista ururada siyaasadda.

Natiijadan waxa muran ka keenay ilaa 8 ka mid ah urur-siyaasadeedyada ay guddigu sheegeen inay hadheen, iyadoo xaaladna ay labadii maalmood ee u dambeeyay ka abuurtay dalka, ka dib markii ay madaxda 7 urur siyaasadeed oo 9-ka hadhay ka mid ahi mudaharaadyo dalka oo dhan ah ku baaqeen.

Siday ilahaasi tibaaxeen, guddoomiye Cabdirisaaq-Ciyaale, waxa uu u dhoofay dalka Jabuuti.

Ma cadda waxyaabaha uu salka ku hayo safarkaa la sheegay iyo sababta keentay inuu si degdeg ah dalka uga baxo, ka dib markii ay natiijada muddada laga sugayay ku dhawaaqeen.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed