|

‘’Ma ansixin Doono Xukuumadda uu soo Dhisi doono Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi Hadii…..’’’ Xildhibaan Nacnac DAAWO

Hargaysa 27. November 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac nac oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ka hadlay hadal hayna ku saabsan nooca ay noqon doonto Xukuumadda Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Md Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa isaga oo Saxaafadda Hargeysa kula hadlaayey, waxa uu Madaxweynaha cusub ee  loo doortay mudane Muuse Biixi Cabdi u talooyin ka siiyey Xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono in aanu ku soo darin xubnaha golaha Wasiiradda ee Xukuumadda imika xilku ka dhamaaday ka midka ah, isaga oo sido kale ku la taliyey madaxweynaha la doortay in uu dhiig cusub iyo dhalinyar karti iyo aqoon qaranka ugu shaqaysa sida  Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Sland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo kale xukuumaddiisa ku soo dhiso kuna soo daro, waxaanu xildhibaanku ku hanjabay hadii lagu soo daro wasiiraddii hore golaha wasiiradda ee cusub ay Baarlamaanku daaqada ka tuuri doonaan oo aanay ansixin dooni wasiir hore loo bartay.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)  oo madaxweynaha la doortay ee Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi kula taliyey in aanu wasiiraddii xukuumadda hada xilku ka sii dhamaanayo ka tirsanaa xukuumaddiisa cusub xilal uga magacaabin waxa uu yidhi “Walaahi mujaahidka Madaxweynuhu md  Muuse Biixi Cabdi  ilaa hada aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay, waxaan kula talinlahaa dhiig cusub ayaa loo baahan yahay oo dhalinyaro ah oo nimankii wasiiradda ahaan jiray ee aynu garaneyno ee dhiig miiratada ahaa waa dhiig miirato ayey ahaayeen waa in aanu madaxweynuhu kuwa waxba inagaga soo celinin anigu Inanta Samsam la hadh ayaan odhanlahaa oo Samsam na dooni maayo ayey tidhi (Xilka Wasiirnimo), waa in Madaxweynuhu uu dhalinyar 25 Jir yarka Sharmarke Geelle oo kale oo waddanka u shaqaynaaya waa in uu keeno meesha oo aanu qabiil u kala eegin oo sida uu Madaxweyne Muuse Biixi sheegay waa runtii ee hadii qabiil qudha la wada siiyo 40-ka ama 30-ba qaar ayuumba qatan”

Md Axmed (Nacnac) waxa uu intaasi ku daray hadii madaxweynaha la doortay ee Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu wasiiraddii hore xilal uga magacaabo xukuumaddiisa cusub in aanay Baarlamaan ahaan ansixin doonin waxaanu yidhi “Waxaan kula talinlahaa aniga oo golaha Xildhibaanadda Baarlamaanka ka mida hadii uu Madaxweynaha cusub dawladda uu soo dhisaayo uu kuwii hore ee Wasiiradda ahaa soo celiyo ansixin mayno ha ogaado kuwii hore imikaba ansixin mayno hadii mid kaliya laga soo celiyo ma ansixinayno ayaanu leenahay”

Xildhibaan Nacnac oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye haatanse ku biiray Xisbiga Waddani ayaa sheegay in golaha uu ka tirsan yahay aanay ansixin doonin hadii uu Xukuumadiisa ku soo daro Wasiiradii lagu eedaynayay inay Lunsadeen hantida qaranka.

Comments are closed