|

Luuq: Sarkaal Ka Tirsan Maamulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca Oo Qudha Iska Jaray

 

Luuq:20-Feb-2014(SDN)-Wararka Saaka Naga Soo Gaadhaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa Sheegaya inuu Halkaas Xalay isku Khaarajiyey Sarkaal sare oo ka Tirsan Maamulka Ahlusunna wal Jamaaca.

is isSarkaalka isdilay oo lagu magacaabo Cabdinaasir Ganey ayaa lagu soo warramayaa in meel kamid ah degmada Luuq uu isku dilay qoriga nooca loo yaqaan AK-47 hase ahaatee aan la ogeyn sababta rasmiga ah oo uu isku dilay.

 

C/naasir Ganey oo ahaa madaxii amniga Luuq ayaa waxaa dhowr jeer saxaafadda mararka uu la hadlo waxa uu sheegi jiray inay la dagaalmayaan Alshabaab oo ay gobalka ka saarayaan.

Maydka Sarkaalkan ayaa lagu wadaa in saaka lagu aaso Goobtaas, waxana haatan socda Baadhitaano la Xidhiidha xaqiiqooyinka Geeridiisa ku Daahan iyo sababaha loo aanayn karo inuu qudha iska jaro.

 

Inta badan dadka saraakiisha ah gaar ahaan ma dhacdo inay is dilaan, balse waxa la Arko mar mar in tiro dad Somali ahi ay gacantooda isku khaarajiyaan.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed