|

Loxooxdu Ma Sababtaa Gaastari?

12032596_10201207291099766_695216169_nTanniyo markaan garaadsaday waxaan maqli jiray uun gaastari baa heblaayo iyo hebel ku dhacday.  Heblaayo kale waa basted oo dhiig baa ay hunqaacaysaa. hebel gaastaridii baa ku qaraxday iyo sheekooyin kale oo ay u badan yihiin laxooxda ay soomalidu aroor kasta cunayso ayaa u sabab ah gaastaridan.

inbadan oo aan  ku jiraana waayadii hore habeenkii markaanu sii hoyanayno  caano maama watat la yidhaah oo itoobiya lagu iibiyo baan habeenkii sii iibsan jirnay si aanu iskaga qaboojino bahasha( bal garo oo anuu ma lahayn gaastari se waan iska aaminay).

Haddaba, xanuunkani faraha baas ku haya ummadda soomaalida ayaad moodaa in ayaamahani ay soo badanayaan aragtiyaha odhanaya: laxooxdaa laga qaada, qajigaa laga qaada iyo cuntada basbaaska leh ha cunin iyagaa laga qaadaaye.  caanaha  caba iyagaa u dawo ahe iyo qaar kaloo badan.

Sidaasi aawadeed, waxaan jeclaaday maanta inaan iddinla wadaago muxuu yahay xanunkani? Maxaa laga qaadaa? Maxaa astaamo u ah?maxaa lagu daaweeyaa iyo maxaa lagaga hortagi karaa?

Waa maxay xanuunka gaastaridu?

Xanuunka gaastaridu waa xanuunka luuqada caafimaadka loogu yaqaano peptic ulcer, kaasi oo qeexid ahaan noqonaya sida hoos ku qoran:

Ulcer:  inay tahay boog iyo  peptic: oo ah in ay dheecaanada dheefshiidka ee caloosha laga soo daayaa ay  sababeen boogtaasi ( sidaasi aawadeed waxay qeexidu noqonaysaa boog  ku samaysanta caloosha  amaba qaybta koowaad ee mindhicirka gaar ahaan dahaadhka loo yaqaano mucosaha oo ay sababtay xaddiga aysiidha oo korodhay/is badal ku yimi kimikaalikaasi dheefshiidka qaabilsan ee ay calooshu soo dayso).

Haddaba, xanuunkani ayaa waxa uu dhaawac soo gaadhsiiyaa marka ugu horaysa lakabka loo yaqaano mucosaha  in kusiman 5cm ilaa uu ugudbo lakabka ka hooseeya eeloo yaqaan submucosaha, labadan lakabi waxay dahaadhaan qaybta gudaha xigta ee caloosha iyo mindhicirku leeyihiin; halkanina waa halka ay ka bilaabanto caabuqa iyo aasaasanka cudurku, isaga oo cudurku u waxyeelaynaya mindhicirka iyo caloosha hababkan soo socda(pathophysiology)

  • Xadiga aysiidha ah oo korodha.
  • Kiimikada loo yaqaano bicarbonate oo yaraata( tani waa protective mechanism hoos u dhigta aysiidha oo badhaxda)
  • Socodkii dhiiga oo hakad gala.
  • Dhaawac toos ah oo soo gaadha daahadhka sarre( epithelial layer damage)
  • Khalkhal ku yimaaada muukaskii daboolayay gidaarka mucosaha(disruption of adherent mucus membrane) sidaase daraadeed, intani oo is biirsatay amaba kali ahaata ayaa uu  ku dhashaa kuna sii koraa cudurku.

Haddaba , cudurkan gaastarida waxaa loo qaybiyaa laba nooc oo kala ah sidan soo socota:

Kani koowaad  waxa uu ku dhacaa qaybta koowaad ee mindhicirka ee loo yaqaano deudenumka,  meel laba sentimitir balaceegu yahay oo u dhaw pyloruska meesha loo yaqaan, badankana waa boog kaliyaata oo meeshaas uun ku xadidan se 15% ka mid ah bukaanka ayaa yeesha in kabadan hal boog.

Noocani gaastarida ah ayaa waxaa la sheegaa in xaddi badan oo aysiidh ahi ahi gidaarka gaadho, taasi oo aad uga badan intii asalka u ahayd qiyaasta aysiidha ah ee unugyadu soo daynayeen. Sidoo kale dadka xanuunkani qabaa waxay leeyihiin xaddi aad u badan oo dheecaanka gastrinta loo yaqaano ah, kaasi oo sababa soo daynta aysiidha unugyada parietal cellska loo yaqaan ku jirta.

Dhanka kale, gaastarida nooceega labaad ee loo yaqaano gastric ulcer ayaa waxay u qaybsantaa  afar nooc oo ku kala duwan xadiga dhaawac ee ay gaadhsiinayaan lakabyada caloosha iyo xadiga aysiidh ee ay soo daynayaanba. Sidaasi aawadeed, waxaa loo qaybiyaa noocani labaad afar qaybood oo kala ah sidan:

Nooca koowaad: waxa uu ku dhacaa qaybta dhexe ee caloosha taaso oo loo yaqaano (gastric body) waxaana astaan u ah yaraanshiyaha aysiidha ay calooshu soo dayso, taasi oo ay ugu wacantahay unugyadii soo daynayay oo tiro yaraaday( associated with low basal output due to reducued parietal cell mass)

Nooca labaad:  noocani waxa uu ku dhacaa qaybta ugu horaysa caloosha ee loo yaqaano antrumka waxaana badanka la socota inay xadiga aysiidh ee lasoo daynayaa is badbadasho.

Nooca seddexaad: waxa uu ku dhacaa qaybta ugu hoosaysa caloosha ee loo yaqaano pylorus , sidoo kale waxaa badanka weheliya gaastarida mindhicirada ku dhacda {deudenal ulcer} waxaana astaan u ah aysiidha qayral caadi ah oo aad u saraysa.

Nooca afaraad: ayaa waxa uu ku dhacaa qaybta loo yaqaano gastric cardiac waxaana uu leeyahay xaddi aysiidh ah oo aad u yar.

Haddaba, xanuunkani  aynu kor kusoo xusnay oo ah kani koowaad ee soomalida aadka ugu dhaca misena khuraafaad badan iyo ku tiri kuteen badan laga aaminsanayahay ayaa waxaa sababa( causative agents):

1.Bacteeriya nooca loo yaqaano H.PYLORI( taas oo layskugu gudbin karo xataa dhunkashada)

Bakteeriyadani waata ugu badan ee ku sababta gaastarida dadyawga ku nool dunida seddexaad iyo guud ahaanba caalamka, waxaana la sheegaa inay 70% iyadu cudurka ka masuul tahay. Waxaa bakteeriyadan  la ogaaday horaantii qarnigii 20aad inay tahay tani sababta xanuunkan, waxaana ku guulaystay helitaankeedii labada dhakhtar ee waaweyn waa Dr.barry marshall iyo Dr.j.robenn kuwaasi oo sannadii 2005tii la guddoonsiiyay abaalmarinta  NOBEL PRIZE IN MEDICINE.

2. daawooyinka loo yaqaano  Non steroidal anti-inflammatory drugs sida aspirin, ibuprofen IQB.

Daawooyinkan oo loo isticmaalo garaaca,wadne xanuunka(aspirin), xinjirawga dhiiga iyo caabuqa, ayaa la sheegay inay yihiin sababta labaad  ee sababta iyaguna xanuunkani gaastarida

3. cabitaanka sigaarka.

4. cabitaanka xaddi aad u badan oo khamro ah( waxaa la sheegaa sideedaba khamradu inay khatar u tahay inuu cudurku kasii daro se sidoo kale xaddi badan oo khamro ahi waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen inay keento)

5.  buro kasoo baxda  dahaadhka mucosaha loo yaqaan( carcinoid tumor)

6. zollinger ellison syndrome

Waa nooc buro ah oo soo daysa xaddi aad u badan oo gastrin ah, gastrintuna waa dheecaanka sababa soo daynta aysiidha.

7. dhaawac/jug soo gaadha caloosha oo wax yeelaysa gidaarka mucosaha.

8. isku buuq maskaxeed( mental stress).

9. dhaxalid hidde side( genetic factor)

10. mashiinada neefta siiya qofka muddo badan xanuun aad u xuni jiifiyay (Ventilators)

11. gubasho baahsan iyo jug culus oo madaxa qofka kasoo gaadha.

12. khalkhal ku yimaada jadwalka cunta ee jidhka qofku la qabsaday.

Sidaasi aawadeed, intani aan kor kusoo xusnay oo dhani waa waxyaabaha sababa inuu qofkuu yeesho xanuunka gaastarida. Ma jiraan ilaa hadda qoddobo kale oo saynis ahaan amaba aragti ahaan la aaminsayahay oo sheegaya inay xanuunkani dhaliyaan.

Se dhanka kale waxaa jirta aragti aad loogu doodi jiray oo tidhaahda “ kofeega, kaafinta, kookaha iyo cuntooyinka basbaaska lihi waxa ay sababaan gaastari”, taasi oo se markii danbe lagu ogaaday in intani ayna ahayn waxyaalo sababi kara gaastarida si lamid ah 12ka qoddob een kor kusoo xusnay se ay kaliyaata  yihiin waxyaalo kor u qaadi kara khatarta inuu qofku qaado xanuunkan amaba uu kagasii daro xanuunku.

Sidaasi waadeed, ilaa hadda majiraan qodobo taageeraya  in waxkasta oo kulayl lihi uu sababi karo xanuunkani aan ka ahayn inay yihiin qoddobo dhicitaankiisa fududayn kara.   Dr. Weinstein oo ah dhakhtar ku takhakhusay cunta mareenka  ayaa waxa uu leeyahay  aragti tiraah “qajiga  cuntada lagu daraa waxaa uu ka samaysanyahay  maado loo yaqaan capscain taasi oo carisa dareen wadeyaal dhamaadka( nerve endings)si ay usoo daayaan kiimikaal ka celisa mucosahu inuu dhaawacmo.   sidoo kale waxa ay badashaa maadadani  PH aysiidha caloosha ku jirta taasi oon usuuro galin bakteeriyada H.PYLORI inay caloosha kusii noolaato.

Dhan kale, ciirta amaba caanaha la fadhisiiyay ayaa waxa iyagana la aaminsanaan jiray inay xanuunkani sababaan maadama oo ay ku jirto xaddi aad u badan oo acid ahi.  Se tani  waxa ay markii danbe  soo kordhisay in xaddiga aysiidha ah ee jidhka dibaddiisa ka timaadaa ayna marna sababin xanuunkan, se ayba tahay qodob hoos u dhigi karta inuu bilaabmo sababta oo ah aysiidhan caanaha ku jirtaa marka ay tagto caloosha waxay kor u qaadaa PHKA caloosha kaasi oo saamaxa inaan bakteeriyadii H.pylori ee xanuunka keenaysay ay ku noolaan kari waydo caloosha si ay xanuun u sababto .

Sidoo kale, caanaha caadiga ah oo  la aaminsanaan jiray inay dawo ka yihiin gaastarida ayaa waxa ay daraasadahii u danbeeyay sheegayaan inaanay lahayn saameyn badan oo caafimaad se aykaba sii daraan astaamaha xanuunka, sababta oo ah caanaha waxaa ku jira kaalshiyam(calcium) taasi oo marka ay jidhka gasho sababta in unugyada pariatel cellska iyo gastric cellsku soo daayaan dheecaanadoodii oo ay kordhiyaan xaddiga aysiidha ah ee imanaysa calooshii amaba mindhicirkii bukay.

Haddaba, marka aynu ka nimaadno waxyaalahaasi la aaminsanaan jiray ee hadda isku badalay si ka duwan sidii la aaminsanaa, aynu eegno waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya loxooxda somalidu cunto.

Xanuunkani gaastarida soomaali badan ayaa jirta oo aaminsan in waxyaalaha sababa ay ka mid tahay loxooxdu se sidani maaha aragti saynis ahaan cad!

Xanuunkani maaha mid u gaar ah soomalida amaba la xidhiidha hab cuntoodkeeda laxooxeed, se waa xanuun dadyawga dunida ku nool oo dhan ku dhaca.

Maraykanka waxa uu xanuunkani hayaa inta u dhaxaysa 3.5-7.5 million, waxaana sannadkasta soo kordha 0.5 kiis oo xanuunkan ah.  Sidaasi daraadeed waxaa halkani inooga cadaanaysa in xanuunkani yahay aafo dadyawga dunida oo dhan saamaysay  se aan soomalida u gaar ahayn.

Haddaynu usoo noqono  cunto dhaqameedka somalida  ee loxooxda ah oo dadyaw badani aaminsanyihiin inay xanuunkani keentaa  waxa ay ka kooban tahay: daqiiq(carbonhydrate), biyo, milix iyo dhanaanis(qoosh la khamiiriyay) intani marka la isku daro ee muddo saacado ah meel la dhigo way faxaan(fermented), kadibna waa la dubaa iyada oo la isticmaalayo dab. Haddaba, cuntada noocan ahi waxyaalaha ugu badan ee ay ka koobantahay loogana shakiyi karo inuu xanuunkan sababi karaa waa aysiidha samaysanta marka qooshakani faxo iyo bakteeriyada la socota waxa dhanaaniska loo yaqaan ee qooshka lagu fixiyo iyo fixitaanka laftiisaba.

Sidaasi daraadeed, haddii aynu u nimaadno aysiidha ka samaysanta  faxitaankaasi marka ay jidhka gasho wax isbadal caafimaad ah ma keenayso,  aan ka ahayn inay iyada lafteedu tahay ay si lamid ah sidii ciirta(yoghurt) oo kale inay samayso saamayn faa’ido inoo leh(aysiidhani  lafteedu waxay badashaa PH caloosha marka ay la falgasho tani calooshu soo dayso, halkaasina waxa ay suuro galisaa in bakteeriyadii ku noolaan waydo caloosha oo ay dhimato maadama oo deegaankeedii isabdal ku yimi. NB: awooda aysiidhani aad baa ay isku dhintay marka ay dabka lasoo falgashay), dhanka kale bakteeriyada qooshka la socota lafteeda waxaa dila dabka laxooxda lagu dubo.(Se bakteeriyadani xataa haddiiba ay gasho caloosha sinaba kuma sababi karto xanuunkan maadama oo uu deegaankii isbadalay ).

Sidaasi draadeed, waxan halkan ka garan karnaa in xanuunkan aysiidha dibbada ka timaada iyo bakteeriyada ay wada socdaan aysiidhaasi midna sababi Karin( halkan waxaa ka baxaysa odhaahda tiraahda laxooxda ayaa sababta oo ilaa hadda scientific argument  kan kasoo horjeeda loo hayn)

Maxaa astaamo u ah gaastariga?

Dheefshiid xumo( indigestion)

Garaac /kaar ku aadan laabta(epigastric pain)

Abiteet la’aan(anorexia)

Yalaalugo(nausea)

Matag(vomiting)

Miisaanka qofka oo isdhima( loss of weight)

Dhiig uu qofku matago amaba saxarada la socda(hemataemesis/melena in severe ulcers)

Maxaa lagu daaweeyaa gaastarida?

Xanuunka gaastarida waxaa lagu daaweeyaa qaababkan soo socda sida caadada ah:

Daawooyinka loo yaqaano PPI(proton pump inhibitors sida: omeprazole,lansoprazole,esomeprazole,pantoprazole, rabeprazole iyo inta la walaalaha ah)

Daawooyinka loo yaqaano H2 blockers( histamine 2 receptor blockers oo ay ka midyihiin: cimitidine,famotidine iyo nizatidine)

Daawooyinka antibioticska ah( kuwan waxaa loo isticmaalaa in lagu dabar jaro bakteeriyada h,pyloric haddii ay tahay iyadu tani xanuunka sababtay)

Sida oo kale qofka ayku sababtay gaasatarida daawooyinka loo yaqaano NSAID( asprin,declofenac,ibuprofen waa inuu la tashadaa dhakhtar si kuwaasi looga badalo loona siiyo kuwo kale iyo qaar xanuunka ka daaweeyaba)

Sidee xanuunkan loo shaybaadhaa?

Marka laga tago astaamaha caafimaad ee uu qofku la yimaado iyo kuwa dhakhtarku baadhitaanka ku heloba waxaa muhiim ah iyaduna in la kaashado shaybaadho kale sida:

Dhiig( blood test)

Neef( breath test)

Saxaro( stool antigen test)

x-ray

endoscopy.

Sidee looga hortagi karaa xanuunkan?

Joojinta cabitaanka sigaarka, khamriga iyo xashiishada.

Dhimista warwarka iyo joojinta isticmaalka daawooyinka sida aspirinta.

Baadhitaan dagdag ah haddiiba aad iskaga shakidid xanuunka.

Cunitaanka cunto dheeli tiran oo nadaafad ahaan fiican.

Iska ilaalinta biyaha iyo cuntada aan nadiifta ahayn

Gabo-gabo.

Xanuunkani waxyaalaha ilaa hadda ugu macquulsan ee la odhan karo ummadda soomaaliyeed waa uu ugu dhacaa waa bakteeriyada H.PYLORI loo yaqaan, taasi oo ay u saamaxday qoddobadan hoos ku qorani:

Isticmaalka cuntada iyo biyaha aan nadiifta ahayn.( halkan waa ay soo gali kartaa laxooxdu haddiiba aan si nadaafadaysan weelkaas loo isticmaalo, se soomali ahaan waa ay yartahay xaafada aan weelkeeda nadiifini waa very very low propability)

Ku noolaanshiyaha guryaha aadka u dadka badan iyo wax wada cunka 5 amaba in kabadan hal saxan wax kuwada cunayaan.

Taabashada ama gaadhida uu gaadho gudaha jidhkaaga matagga uu matago qofka xanuunkani qaba.

Haddaba, xanuunkani waa mid laga dawoobo, sidaasi aawadeed dhamaanteen waa inaan hore  ula xidhiidhnaa dhaqtar haddiiba aan astaamahani isku aragno.

 

W/Q: Mohamed abdilaahi biihi, medical student, Addis ababa, Ethopia.( intani waa isku day aan sameeyay se wixii talo, toosin iyo tusaale ahba aad baan iddiinka rajaynayaa)

biixiyare@hotmail.com

Comments are closed