|

Loollanka Jagada Ra’iisal wasaaraha Oo Xiiso Gaar ah Yeelatay Iyo Tiro Kooban Oo Haatan isku Soo Hadhay

Muqdisho:10-Dec-2013(SDN)-Wali waxa Aqalka Somalida looga Taliyo ee Villa Somalia ka socda  Kulamo iyo fadhiyo Qarsoodi ah oo looga gol leeyahay xulashada cidda noqonaysa Ra’iisal wasaaraha Somalia.

villadeenaTirada Xubnaha u tafo-xaydan inay helaan jagadaas, ayaa aad u badan,waxase Hubaal ah inaanu madaxweynuhu dhammaantood ku wada qanacsanayn oo uu tiro kooban kala xulan doono, balse wali waxa taagan loolan adag oo aan kala Go’ lahayn.

Haatan waxa ay sheegayaan Warar ku dhow dhow xafiiska madaxtooyada  Soomaaliya  inay tiro koobani iskugu soo hadheen xulashada jagadaas iyadoo uu madaxweynuhu  qaar badan u sheegay inaanay qorshihiisa ka mid ahayn.

Waxaa xubnaha illaa iyo hadda cad cad ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex, oo xilal dhowr ah kasoo qabtay dowlidihii KMG ah ee dalka Somalia.

Waxaa sidoo kale ka mid ah wasiirkii hore ee maaliyadda ee xukuumaddii Farmaajo Xuseen Cabdi Xalane, oo la sheegay inuu maalmahan aad ugu dhowaa madaxtooyada Somalia.

Goonjeex, ayaa lagu warramay inuu taageero ku helayo xubno ka mid ah kooxda Damul Jadiid ee madaxweynaha, taasi oo siineysa faa’iido gaar ah.

Tartanka, ayaa waxaa sidoo kale si lama filaan ah ugu soo biiray siyaasi lagu magacaabo Aadan Guuleed Shabeel Carab, kaasoo si deg deg ah uga hormarey murashixiintii kale oo hore warkoodu usoo baxayey, sida Xuseen Cabdi Xalane.

Murashaxan Aadan Guuleed Shabeel ayaa ah aqoonyahan bartay Culuumta Siyasadda, dhaqaalaha, maamulka iyo Istiraatiijiyadda, isagoo wax ku bartay dalalka Soomaaliya, Faransiiska, Jarmalka iyo Sudan.

Lama Saadaalin karo cidda uu madaxweynuhu u dhiibi doono jagadaas sida weyn la iskugu haysto, waxase muuqata in Haatan la kala baxay oo rag badan dibadda bustaha loo dhigay.

 

 

S.D.N.

Contact@somaliasporanews.com

Comments are closed