|

Loolankii Iyo Laacdankii Murashixiinta Xisbiga Waddani oo Durba si Habaqle ah ku Bilaabmay iyo Murashax Shaaciyey inuu u Taagan yahay Jagada Madaxweyne ee Waddani DAAWO

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiga Maxamed Guuleed Xirsi, ayaa ku dhawaaqay inuu u taaganyahay Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Shirka Golaha dhexe ee xisbigaas oo qabsoomaya bisha tobnaad ee sanadkan aynu ku jirno ee 2016-ka.

waddani-murrashaxWaraysi uu la yeeshay Telefishanka Star shalay, ayaa siyaasigani ku sheegay inuu rejaynayo in Doorashada murrashaxa madaxweyne ee xisbigaasi u dhacdo hab caddalaad ah. “muddo imika sannad ahba musharraxa waxaan ka ahaa xisbiga Waddani, ninka ragga ahina waxa ku wanaagsan inuu waxa uu mar sheego sideeda u dhamaystiro, anigu musharraxnimadaydu waa sidaydii, waanan tartamayaa haddii Alle igu simo, waxaanan rajaynayaa guul weyn.” Ayuu yidhi Siyaasi Maxamed Guuleed.

 

Siyaasiga Maxamed Guuleed Xirsi ayaa guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uga digay inuu afduub ama jujuub ku qaato jagada Murrashaxnimada Xisbiga, Waxa uu Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro kala dooransiiyey inuu noqdo nin tagtaatoori ah oo afduuba dimuquraadiyada xisbiga iyo inuu noqdo Nin u caddaalad sameeya Xisbiga oo ogolaada in lagula tartamo Kursiga Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbigaas, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi; “waxaan leeyahay guddoomiyaha, guddoomiye waan ku salaamayaa marka hore, marka xigta guddoomiye waxaad noqon doontaa laba mid uun. In aad noqoto guul hogaamiye, isku dare, isu soo dhaweeye, dhise hogaamiye run ah iyo in aad noqoto tafaraaruqiye taariikhda bulshada iyo magaciisa iyo ta xisbigaba u horseeda guul darro.” Ayuu yidhi siyaasigani, oo sidoo kale ka hadlay waxa u qorshaysan bal haddii loo diido jagada musharraxa madaxweyne ee xisbigaasi ee lagu dooranayo shirka golaha dhexe sanadkan u qabsoomaya, waxaana uu yidhi; “taasi waxa weeyaan ta dadka aan aqoonta lahayn amaba aan siyaasiyiinta ahayn ama aan isku kalsoonayni sameeyaan. Anigu waan ku kalsoonahay Cabdiraxmaan Cirro inaanu taasi dhaqankiisa ahayn, siyaasadiisa ahayn, ragganimadiisa ahayn waxaanan rajeynayaa inaanay cidina iska kay hortaagin, Dhokumentigana waxaaban xaraynayaa isbuucan soo socda.” Ayuu yidhi

Maaha murrashaxii u horeeyey ee ku dhawaaqa inuu u tartamayo Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI, hase ahaatee su’aashu waxay ka taagantahay suurto-galnimada in hogaamiyaha Xisbigaas lagaga guulaysto murrashaxnimada Madaxweynaha Xisbigan oo kalkii u horaysay ka qayb-galaya doorasho madaxweyne iyo Baarlamaan.

Comments are closed