Loolanka u dhexeeya Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo Waddani Ka Dhego adayga Go’aanada Guddida Anshaxa ee Komiishanka Doorashadda & Sida loogu qanci karo Natiijadda Doorashadda DAAWO
Hargaysa 10. August 2017 (SDN/QJ):- Waxa sii gurmaya maalmihii xilliga sagootiska ku jira. Waxa soo siqaya dharaarihii millayga cusub ee soo dhawayntiisa loo diyaar garoobayo. Amintu waa kala guur wadeeco iyo waxyeelaba wax saarkeeda laga toog hayo.
Fooldhabashada xiddigaha, wareega meerayaasha iyo godadka dayaxu u kala gudayaana, qadar Eebbe weeye.
27 sanno oo go,doomin ah Somaliland weli way nooshahay, keligeed is deberaysaa, laakiin, haddana, waqti iyo wax saarkii ma werwer la,a maanta. Maalinba cashar hore u soo maray ayaa dib loogu celinayaa.
Maalinba filim ay hore u soo daawadeen ayaa dib loogu shidayaa. Nidaam kastaaba dhaqankii hore mid ka sii xun buu barayaa, Xannuunada hayaana way tiro bateen.
Marka hore iska eeg oo iska hubi qofkaad wax u dhiibanayso ma taqaano, balse ku boob oo rid marka dambe hiddaheedu weeye. Ka daba tag mooyee, ka hor tag ma jiro.
Sidaas oo jirta misana, damqashada dareenku ma yara, gilgilashada garaadkuna goblan maaha bulshada dhexdeeda, haddana, horma saarto iyo callool baa dishay, quustuna waa geeri, oo nolosha waa ka xaaraan.
Hadaba Labada Xisbi ee maanta ugu saamaynta badan marka la eego siyaasadda Somaliland oo ah Kulmiye Iyo Waddani oo mid kastaaba rabo inuu hanto Guusha doorashadda madaxtooyadda ee 13 bisha November ee sannadkan dhici doonta ayaa u muuqda qaar aan u hogaansamin Xeerka hab dhaqanka qaadashada kaadhka codbixiyaha oo ay si wada jir ah qalinka ugu duugeen una sheegeen inay u hogaansamayaan.
Guddida anshaxa kaadh qaadashada ayaa hore u soo saaray go’aano ay ku sheegeen in labadaas xisbi ay olole siyaasadeed u rogeen hawlgalkii kaadh qaadashada Waxaanu Komiishanka Doorashooyinka qaranku Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ugu soo rogay digniin adag iyo ganaax lacageed waxaanu Komiishanku sheegeen inay baal mareen Xeerkii ay Saxeexeen,Sidoo kale Waxay Komiishanku Jaangooyeen in labada Gobol ee markaas Kaadh qaadashadu ka socoto Xisbi kastaa uu ku tegi karo 5 Baabuur oo qudha iyadoo la xarimay in astaamaha Xisbiyada lagu arag deegaamada kaadh qaybintu ka socoto iyo inaan shaqaalaha iyo Gaadiidka dawlada xisbi gaar ahi u adeegsan Olole uu Taageero ku doonayo waxaa kale oo Komiishanku soo jeediyeen in Warbaahinta dawlada Idaacada iyo Telefishanka qaranka ay sadexda xisbi u sinaadaan.
Mar kale ayay Shalay ku Celiyeen Guddida anshaxa Kaadh qaadashadu digniin ay u direen labadaasi xisbi
Ilaa hada ma Muuqdo wax ka hirgalay go’aankan hoos aad ka daawan doontaan.