Loolanka Musharaxnimadii jagooyinka Ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee Wakiillada oo maanta soo afjarmay iyo xubnaha lagu doortay
Hargeysa, 24, Mar 2012 (SDN)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta doortay jagooyinka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee iyo 2aad ee Golaha Wakiiladda.
Mudanayaasha ayaa jagada Guddoomiye ku-xigeenka 1aad u doortay Baashe Maxamed Faarax oo hore u ahaan jiray Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golahaas, waxaana jagadiisii buuxiyay Xildhibaan Cali Yuusuf Axmed.
Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu gudoominayay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaana madasha fadhiyay 64 Mudane., waxaana aad loo adkeeyay ammaanka dhismaha Golaha Wakiillada. Iyadoo la dareemayay loolanka taageerada dhinacyada murashaxiinta labada Guddoomiye ku-xigeen ee Wakiiladda.
Xilka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee uu hore u baneeyay Wasiirka cusub ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa u tartamayay Baashe Maxamed Faarax iyo Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan). halka Guddoomiye ku-xigeenka 2aadna ay u tartamayeen Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle iyo Md. Cali Yuusuf Axmed, waxaana ka tanaasulay jagooyinkaas mudanayaal tiro badan.
Baashe Maxamed Faarax, waxa u codeeyay 39 Xildhibaan, halka murashaxii la tartamayay Ibraahim Axmed Haybe ay u codeeyeen 22 Mudane, sidaasna waxa ku guulaystay xilkii Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax.
Xildhibaan Cali Yuusuf Axmed oo u tartamayay ku-xigeenka 2aad waxa u codeeyay 43 Xildhibaan, halka  Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle ay u codeeyeen 20 Mudane, sidaasna waxa ugu guulaystay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Cali Yuusuf Axmed.
Labadii murashax ee laga guulaystay Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe iyo Xildhibaan Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo doorashadaasi ka dib Golaha la hadlay ayaa u mahad celiyay mudaneyaashii doortay iyo kuwii aan dooranba. Waxaanay intaasi ku dareen inay ku qanacsan yihiin siday doorashadu u dhacday.
Dhinaca ale Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee cusub Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Cali Yuusuf Axmed ayaa iyaguna u mahadceliyay Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda, gaar ahaan labadii xildhibaan ee xilalkan kula tartamayay.
Ugu dambayntiina waxa hambalyay labada Guddoomiye ee cusub Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirr).
SDN, Hargeisa Somaliland