|

Loolanka Musharaxiinta Kulmiye ee Beesha Woqooyiga Hargeysa maxey Xisbiga iyo Nidaamka Dimuqraadiyada dhaxalsiin kartaa?

Hargeysa Dec 17,2014(SDN/QJ)-Xisbiga haya talada dalka Somaliland ee Kulmiye ayaa dhawrkii sanadood ee ina dhaafay wax aka dhex aloosan tartan loogu jiro cidii noqon laheyd musharaxa madaxweyne ee xisbigaas doorashooyinka ina soo haya.

Doodan oo laba daraf ku kooban ayaa waxa dhan ka mida labadaa dhan waxa uu abuuray dood la isku weydiinayo waxa ay dimuqraadiyada Somaliland iyo xisbigaasiba ay yeeli kareyso.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo aaney shanti sano u dhamaan Ayaan weli si waadaxa u cadeynin uu u taagan yahay in uu xilkaa isu soo sharaxayo iyo in kale.

Iyadoo aan caadiyan nidaamka dimuqraadiyadeed lagu aqoon in madaxweyne fadhiya shatiisii sanadood ee u horeysay aan lala tartamin ayaa hadan Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa soo wejahay tartan uga imanaya siyaasiyiin isku beel ah.

Tartanka musharaxnimo ee xisbiga Kulmiye eek u koobmay beesha qura ayaa waxa ay nidaamka xisbiyada badan u geysan kareysaa sumcad xumo.

biixisamale

Sidoo kale Xisbiga Kulmiye oo helay kala bar codadkii doorashooyinkii Madaxtinimo ee u danbeeyay ayaa waxa tani ay ku keeni kareysaa in reer Somaliland ay dareemaan in xisbiga iyo talada dalkaba la kala leeyahay.

Ugu danbeyntiina hadii madaxweyne Axmed Siilaanyo uu sadexda musharax ee isku beesha ah uu uga haro tartanka madaxtinimo ee dalka isla markaana uu midkood musharaxnimada ku guuleysto waxa suurtogal ah in umaddu ay ku ciqaabto hanaanka uu ku soo baxay oo ay codka siin weydo.

Hadaba si nidaamka Axsaabta faraha badan ee Qabyaalada xaaraanta ka ah iyo Xisbiga Kulmiye ee umadda u dheeya si loo badbaadiyo waa in tartanka musharaxnimo ee xisbiga iyo dalkaba loo dhigaa hab qabyaaladi ay ka maran tahay.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed