Loolanka Isgaarsiinta Ee U Dhaxeeya Hormuud Iyo Dahabshiil Waa Guul U Soo Hoyatay Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed
Muqdisho Nov 24,2013(SDN)-Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa dalka ka hanaqaaday ganacsi balaaran, iyadoo sidoo kale dalka uu yeeshay shirkado isgaarsiin oo madaxbanaan iyo kuwo xawaaladeed kuwaas oo faa’ido iyo khasaare intaba u leh bulshada Soomaaliyeed.
Sidaasi oo ay tahay ayaa waxaa labadii bilood ee ugu dambeeyay soo shaabaxay heshiis ay kala saxiixdeen shirkadda Dahabshiil iyo shirkadda Telecom Somalia oo ah shirkaddii ugu horeysay ee isgaarsiin dalka ka hirgelisa, wuxuuna heshiiskaasi keenay inuu loolan cusubi ka dhexbilowdo shirkadaha isgaarsiinta ee kala ah Hormuud, Nation-link iyo Telecom oo hadda loo bedelay magca Somtel ka dib markii ay la wareegtay shirkadda xawaaladda Dahabshiil, iyadoo ay xusid mudantahay in loolanka u dhaxeeya shirkadahan ay faa’ido badan ugu jirto dadka shacabka ah oo dhibweyn ku qaba shirkadaha
isgaarsiinta oo lacago xad-dhaaf ah ka qaada dadka shacabka ah ee
tabaaleysan, muddo dheerna la soo daalaadhacayey dagaalo iyo abaaro
kala duwan.
Sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Dahabshiil ayaa
sheegay inay doonayaan in tartan adag oo dhanka isgaarsiinta ah ay la
furan shirkadda Hormuud oo saameyn balaaran ku leh bulshada ku dhaqan
koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo sheegay inay Hormuud kula loolamayaan
shirkadda Telcom oo ay la wareegeen, shirkada Telcom oo aheyd hooyada
isgaarsiinta Soomaaliya ayaa lumisay macaamiil badan ka dib markii uu
ku dulhabsaday hoos u dhac dhaqaale, iyadoo hadda ay dib boorka uga
jaftay shirkadda Dahabshiil oo iibsatay saamiga shirkaddaasi intiisa
badan, wuxuuna loolanka ay furtay Dahabshiil uu yimid sida ay
ila-wareeyada qaar ay sheegayaan ka dib markii ay weysay dhaqaale
xoogan oo ay Dahabshiil ka heli jirtay lacagaha ay isku diraan dadka
Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta Soomaaliyeed, taas oo ay dhuunta u
istaagtay shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo sameysay adeega loo
yaqaano EVC Plus oo dadka iyagoo aan laga qaadin wax lacag ah ay
lacagahooda isku diraan iyagoo adeegsanaya Moobeylka gacanta ay ku
wataan, waxayna taasi meesha ka saartay dhaqaalihii ay shirkadaha
xawaaladaha ay oo ay ugu horeyso Dahabshiil ka heli jireen lacagaha ay
dadka isku diraan, waxayna soo wataa Dahabshiil sida la sheegay adeeg
u dhigma Evc Plus oo ay ugu magacdartay E-Cush {Iikaash}.
Maamulka shirkadda xawaaladda Dahabshiil oo dhib badan kala kulmi
lahaa haddii ay shirkad cusub oo isgaarsiin ah keeni lahaayeen
magaalada Muqdisho, isla markaasna ay ku qaadan laheyd waqti badan
sidii ay bulshada uga gadi lahaayeen ayaa taas bedelkeeda waxay
doorbideen inay shirkadda Hormuud kula tartamaan shirkadda Telcom oo
xarumo ku leh magaalooyinka koonfurta Soomaaliya, isla markaasna ah
shirkad ay si weyn u yaqaanaan dadka Soomaaliyeed, waxayna iibsatay
shirkadda Telcom oo ay u bixisay Somtel, waxaana laga soo xigtay
maamulka shirkadda Dahabshiil ee hadda la wareegay Telcom inay qiimo
jaban dadka teleefanada ku siindoonaan sida ay Hargeysa ku siiyaanba,
waxaa kaloo laga soo xigtay inay Muqdisho iyo koonfurta dalka keeni
doonaan Internet isbiid sare leh sida ka jirta Hargeysa iyo gobolada
Waqooyi oo dhan.
Loolanka Isgaarsiinta Ee U Dhaxeeya Hormuud Iyo Dahabshiil Waa Guul U
Soo Hoyatay Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed Gaar ahaana Bartamaha
iyo Koofurta dalka
Tartanka xajmiga weyn ee ka imaanaya Dahabshiil ayaa durbaba laga
dareemay shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo aan weligeed qiimo dhimis
buuran u sameyn dadka Soomaaliyeed, iyadoo hadda dadka teleefankeeda
ku hadla u sameysay qiimo dhimis, gaar ahaan marka la gaaro wixii ka
dambeeya 10:00-fiidnimo ama habeennimo oo ay yartahay inta ku hadasha,
iyadoo ay xusid mudantahay in qiimaha lacagta lagu hadlo shirkadda
Somtel ay aad uga jabantahay tan shirkadaha isgaarsiinta ee koonfurta
ka jira sida Hormuud iyo Nation-link, waxaana tusaale kuugu filan in
shirkadda Somtel aad habeenkii ku hadli kartid seddex boqol oo
daqiiqo, maalintiina waxaad ku hadli kartaa kaarka Somtel boqol
daqiiqo, tusaale ahaan wixii ka dambeeya lixda fiidnimo illaa lixda
subaxnimo halka doolar ee Somtel waxaad ku hadli kartaa 300 oo
daqiiqo, lixda subaxnimo illaa lixda fiidnimo halka doolar waxaad ku
hadli kartaa 100-daqiiqo, adeega Internet-ka ee GPRS-ka Somtel isaguna
flashka markaad ku isticmaaleyso halka doolar waxaad ku heli kartaa
300-mb, markaad ku isticmaaleysid Mobilkaaga GPRS-ka Somtel halkii
doolar waa 150-mb, dhanka shirkadda Hormuud haddii aynu ka hadalno
halka doolar maalintii waa 20-daqiiqo, habeenkii waa 50-daqiiqo,
waxayna leedahay adeega GPRS oo ka qiimo badan kan ay bixiso shirkadda
Somtel, sidaasi oo ay tahay ayaa lagu wadaa bilaha soo socda in
shirkadaha Hormuud iyo Dahabshiil ay galaan tartan xoogan oo ah dhanka
isgaarsiinta, iyadoo xaqiiqo ay tahay in bulshada ay raaci doonto
shirkaddii ugu qiimo yar, waxaana xusid mudan in hadda aysan is
wici-karin shirkadaha Hormuud, Telcom iyo Nation-link, arrinkaas oo ay
dhib weyn ku qabaan dadka Soomaaliyeed ee adeegsada teleefanadooda
Halka dahabshiil ay wici doonto labadaba .
Si kasta oo ay ahaataba shirkadda Dahabshiil ayaa macaamiil badan ku
weysay adeega EVC Plus-ka loo yaqaano arrinkaasi oo keenay inay la
wareegto Telcom, Dahabshiil waxay Somaliland ka hirgelisay Internet
xawaare sare leh oo aysan bixin shirkadaha ka jira koonfurta
Soomaaliya, waxaanna dhab ah haddii adeegyadaasi kuwa la mid ah ay ku
darto Somtel inay heli doonto macaamiil badan, inkastoo mas’uuliyiin
ka tirsan Hormuud laga soo xigtay inay yiraahdeen Somtel qiimaha ay
bulshada ku siiso teleefanka iyo Internet-ka ayaan annaguna ku
siin-doonaa macaamiisheena si aanan u lumin macaameesha, waase la
arki-doonaa halka uu ku dambeeyo loolankan cusub ee u dhaxeeya labadan
shirkad oo dhanka isgaarsiinta ku tarmaya hadda.
Waxaa Diyaariyey:- Ismaaciil Cumar Madoobe {Caaqil yare}
http://www.somalisan.com
Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666