London: Kulankii Raysul-wasaare Cameron iyo Madaxweyne Siilaanyo, maxayse ka wadahadleen?
London April, 17 2013 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa London, ayaa caawa kulan la yeeshay Raysul-wasaaraha Britain Mr. David Cameron.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu goordhawayd soosaaray afhayeenka Madaxtooyada, Raysul-wasaare Cameron wuxuu Madaxweyne Siilaanyo u soo bandhigay ahmiyada uu leeyahay shirka xukuumadda Somaliland ka qaybgalkiisa qaadacday ee bisha May 7-deeda lagu qabanayo London, kaasoo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo sidii loo caawin lahaa dawladda cusub ee Muqdisho. Qoraalka Madaxtooyadu wuxuu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa maalmahanba Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London ayaa caawa fiidkii la kulmay Raisal wasaaraha Dalkaasi Ingiriiska David Cameron.
Kulankan oo ahaa mid ay ku lafa-gureen labada dal, wada shaqaynta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo kulankaasi ku dheeraday sidii loo ilaalin lahaa wada jirka iyo wada shaqaynta ay labadan dal mudada dheer soo wadeen iyo sidii laysaga kaashan lahaa xoojinta iyo adkaynta nabad-gelyada geeska afrika, hour-marka iyo dhaqaalaha.
David Cameron oo isma madaxweynaha uga mahad-naqay sida qiimaha leh ee ay Somaliland marwalba isaga xil-saarto adkaynta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labadan dal, ha noqoto dhanka ammaanka mandaqada geeska afrika iyo xidhiidhka caalamiga ahba,
Sidoo kale waxa uu raisal wasaare David Camaron Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) u soo bandhigay ahmiyada uu leeyahay shirka London lagu qaban-doono ee Somaliland iyo Somaliya la doonayo in lagu wada hadashiiyo oo uu ku nuux-nuuxsaday raisal wasaaruhu in ay Somaliland faa’iido weyni ugu jirto ka soo qayb-galkaasi, ingiriiskana ay muhiim u tahay.
Kulankan waxa ku wehelinaayey Madaxweynaha JSL.
1. Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL. Dr. Maxamed CabdilaahI Cumar
2. Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan
3. Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska, Ambasador Cali Aadan Cawaale,
Dhinaca Raisal Wasaarahana waxa ku wehelinaayey
- Wasiirka Arrimaha Dibeda Ingiriiska Mr. William Hague.”
Qurbejoog.com, London