|

Lixdan Muslimiinta Rohingya ee Dalka Myanmar ah oo ku Dhintay Doon la Qalibantay Xili ay Dalkooda ka Firxanayeen

Myanmar 01. October 2017 (SDN/QJ):- Ilaa lixdan qof ayaa la rumeysan yahay inay dhinteen kadib markii ay degtay doon ay saaraayeen muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dagaalada ka socda dalka Myanmar.

Saraakiisha QM ayaa sheegaya in ay doontu ku qalibantey bada ooo kacsanayd awgeed.

Afhayeen u hadley QM ayaa sheegay in  23  qof la xaqiijiyay in ay dhinteen, islamarkaana la la’yay 40 kale oo loo maleynayo in ay qaraqmeen.

Tobanaan kale oo  Rohingya ayaa hore u dhintey iyaga oo isku dayay in ay u  gudbaan  Bangladesh si ay uga baxsadaan burburka milteriga Myanmar ka wadaan gobolka  Rakhine  ee ay degganaayeen.

In ka badan nus milyan  Rohingya oo badankoodu yahay muslimiinta laga tirada badan yahay oo badanaa lagu duudsiyay, loona diidey muwaadinimada ayaa u cararey  Bangladesh tan iyo markii colaada la huriyay.

Comments are closed