|

Lix Sanno Iyo Dheeraad Kadib oo Madaxweyne Siilaanyo Markii Kowaad Booqday Xarumaha Garsoorka ee Cabashooyinku dul hoganayaan Iyo Balan-qaadka Baahiyihii ay u Sheegteen DAAWO

Hargaysa 13.Dec 2015 (SDN/QJ):-Goobaha Garsoorka ayaa ah Hay’ad Dhibaatooyin waaweyni haystaan,Kuwaas oo Saamayn Taban ku Yeesha Bulshada Somaliland,Madaxweyne Siilaanyo Xiligii uu Ku Jiray Tartanka Doorashada Madaxtinimo ee uu Maanta ku fadhiyo Wuxuu Caddeeyay inuu Dib u habayn Balaadhan ku samayn doono Garsoorka Somaliland, Tan iyo Mudadii uu Xafiiska Joogay Waxa uu Markii Kowaad Saaka Kormeer Kadiso ah ku Tegay Goobaha Garsoorka ee Caasimada Hargaysa Sida Maxkamada sare, Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamada Degmada, Xeer ilaalinta Guud iyo Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka.

Inkastoo uu Kormeerkani ahaa Mid qaatay Mudo 15 Daqiiqo ah Lama odhan karo Natiijooyinkii laga filayay Way ka soo Baxeen Waxa uu Madaxweynuhu Dhagaysi Kooban siiyay Garsoorayaasha ku shaqeeya Xaalada adag Waxaanu ka balanqaaday inuu wax ka qaban doono Baahiyaha Tirada badan ee ay u soo Qadimeen.

 

Comments are closed