Liiska Odayaasha Soo Xulaya Xubnaha Golayaasha Dawlada Somalia Iyo Magacyada 22 Madax dhaqameed Been abuur ah oo Metelaya Somaliland AKHRI
Muqdisho 27.June 2016 (SDN/QJ):- Maalintii shalay ahayd waxaa lagu dhawaaqay liiska odayaasha soo xulaya xubnaha golayaasha dawladda, kuwaasoo loo qaybiyay dhammaan beelaha Soomaaliyeed.
Xubnahan ka muuqda liiska ayaa u badan kuwii soo xulay baarlamaanka dawladda Xasan Sheekh, hayeeshee waxaa kamuuqda isimo cusub iyo wajiyo cusub, kuwaasoo qaarna lagu soo biiriyay qaarna baddalay isimo dhintay ama xanuunsan.
Waxaa Kale oo Liiskan ku Jira 22 magac oo ka mid ah raggaas uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka urursaday magaalooyinka Somaliland, inkastoo ay qaarkood horeba u sii joogeen magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.
Liiskan oo aanay ku dhammayn beelaha Somaliland, wax ka maqan beelaha Harti, waxase ku dhan beelaha kale ee Somaliland, waana siyaasadda kala furfurka ee dawladda Somaliya ay ku hayso bulshada reer Somaliland.