Libiya:Meliishaad dalbanaya in xilalka laga qaado Masuuliyiin la soo shaqeeyay Qadaafi
Tripoli May 12,2013(SDN)-Meliishaad gadood sameeyay ayaa qabsaday laba ka mida wasaaradaha dalka Libiya iyaga oo dalbanaya in xilalka laga qaado masuuliyiin ka tirsan xukuumada dalka.
Meliishaadkan oo ka mid ahaa kooxihii la dagaalamay xukuumadii Libiya ee Mucamar Al Qadaafi iyo qeybo ka mida Shacabka dalkaas ayaa dalabkan ka siman.
Baarlamaanka dalka Libiya ayaa ansixiyay sharci ka hor joogsanaya siyaasiyiintii la soo shaqeeyay Qadaafi in ay ka qabtaan xilal xukuumada dalkaasi.
Sharcigan ayaa meliishaadka iyo shacabkuba u arkin mid si waadax ah u qeexaya dalabkooda.
Waxaana la arkayay maalmihii u danbeeyay Meeliishaad iyo shacab boqolaal ah oo hor tuban Wasaaradaha dalkaasi.
Wasiirka Cadaalada ee dalka Libiya Salah al-Marghani ayaa saxaafada u sheegay in haatan la xaliyay khilaafka meliishaadku ku qabsadeen wasaaradaha.
Waxaanu sheegay in haatan meliishaadku ku noqdeen xeryahoodii,wasaaraduhii ay qabsadeena ay shaqeynayaan.
Meeliishaadka ayaa gawaari hub culusi saaran tahay la hor dhoobnaa wasaaradaha Cadaalada iyo arimaha dibedda.
SDN-Tripoli
contact@somalidiasporanews.com