Libaaxyada Lagu Dhaqo Caasimada Hargaysa Oo Sixir Bararka Ka Jira Somaliland Uu Saamayn Ku Yeeshay Noloshooda DAAWO
Hargaysa 25. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Mudooyinkii ugu Danbeeyay Somaliland ka taagan Sicir barar Saamayn Ku Yeeshay Noloshii Mujtamaca iyadoo Qiimo dhicii ugu weynaa abid uu ku yimid Shilling Somaliland oo Maanta boqolkii dollar uu u dhigmo Hal milyan oo shilling Somaliland waxaana Qaali noqday Qiimaha maceeshada.
Sicir bararku marka laga tago bulshada waxa uu raadayn ku yeeshay Xayawaanka Libaaxa oo lagu dhaqo beer ku taal magaaladda Hargaysa oo uu Leeyahay Wasiirkii Hore ee arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo isagu dhaqda Xayawaankan oo maalin kasta u baahan Hilib Xoolaad oo ay cunaan.