|

Leon Panetta: Maraykanka way ka goantahay ciribitirka Al Shabaab

Jabuuti Dec 13,2011(qurbejoog.com)-  Xilli uu maanta ka dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jabbuuti Xoghayaha Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Maraykanka Leon Panetta ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin farabadan oo ka tirsan dowladda Jabbuuti iyo Saraakiil Ameerikaan ah oo usoo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee dalkaasi.
 
Leon Panetta, Xoghayaha Wasaaradda Gaashandhiga ee dowladda Maraykanka oo saxaafadda hadal kooban siiyay ayaa waxaa uu ka warbixiyay u jeedooyinka uu maanta kusoo booqday dalka Jabbuuti.
 
Xoghayaha ayaa waxaa uu  tilmaamay in dowladda Maraykanka ay ka go’antahay ciribtirka Al qaacidada Soomaaliya ee Al Shabaavb, wuxuuna tilmaamay in arrimahaasi ay kala kaashan doonaan dowladda Jabbuuti oo jaar la’ah Soomaaliya.
 
Mr. Leon Panetta ayaa waxaa uu tilmamay in Maraykanka uu raadinayo horumar waliba oo loola dagaalami karo Al Shabaab, wuxuuna tilmamaay in lagama maarmaan ay tahay in dowladaha ku yaala geeska Afrika ay ka qeyb qaataan la dagaalanka aargigixisada Soomaalida si gobolka uu nuqdo mida xasiloon.
 
Xoghayaha ayaa waxaa uu kalamo xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha dalka Jabbuuti Ismaciil Cumar Geelle kaasi oo ay kawada hadleen xaaladaha dalka Soomaaliya iyo sidii Ciidamo ka socda wadankaasi loo soo gaarsiin lahaa wadanka Soomaaiya.
 
Kulamo saacado qaatay kadib ayaa Xoghayaha waxaa uu booqasho ku tagay Saldhiyo dowladda Maraykanka ay ku leedahay dalkaasi kuwaasi oo xilliga uu booqanayay ka kacayay diyaarado nuuca qumaatiga ah ee loogu talagalay dagaalka, wuxuuna halkaasi kula kulmay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda Maraykanka ah.
 
Dowladda Maraykanka ayaa waxa ay safka hore kaga jirtaa la dagaalanka Kooxaha aargigixisada gaar ahaan Al-qaacidda iyo Al Shabaab, waxaana xusida mudan in Maraykana uu juhdi farabadan ku bixiyo in uu gacan siinayo cid waliba oo la dagaalamaysa Al-qaacidda.

 

Qurbejoog-Jabuuti

contact@somalidaiasporanews.com

Comments are closed