Laydh La’aan soo foodsaartay Shacabka ku nool Laydhka Dawladda iyo Wakaalladda Laydhka Oo Afka Xidhatay
Hargeysa9.Oct.2013- (SDN)shacabka ku nool laydhka Ay Xukuumaddu gacanta ku hayso, ayaa Habeenkii saddexaad ku sugan laydh la’aan ka dhalatay cillad cusub oo soo foodsaartay mishiinadda dabka dhaliya ee wakaallada.
Laydhka Dawladda oo u baxa inta badan shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa Guryuhu ku madowyihiin, waxana wali aan jawaab bixinin Hay’adda laydhka gacanta ku haysa.
Shacabka oo aqallo madow u hoyday, ayaa ka cabanaya mashaqadan Soo Foofsaartay waxana ay jawaab ka sugayaan xukuumadda oo aan wali wax cudurdaar ah bixinin.
Dhibaatada haysta Hay’adda Korontada ayaa loo nisbaynayaa mishiinadii laydhka dhalinayey oo cilladi soo foodsaartay, waxana ay wararku sheegayaan in xukuumadda dhinaca jabuuti ka dalbatay mishiinno cusub oo ay ku hawl geli doonto.
S.D.N