|

Layaabka Dunida: Madaxweyne Ku Andacoonaya In Ilaahay Lasoo Hadlay Sidaa Darteed Uu Isaga Daayay Aflagaadooyinkii Siyaasadeed

Hargaysa 30.October 2016 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha wadanka Philippines, Rodrigo Duterte ayaa balan-qaaday inuu joojinayo hadallada aflagaadada ah ee siyaasadeed ka dib markii sida uu sheegay uu Illaahay toos ula soo xidhiidhay sida uu ku dooday.

rodrigo-duterteDuterte ayaa hore u aflagaadeeyay Pope Francis hooyadiis, madaxweyna Obama iyo madax kale, waxaana uu sheegay in go’aankan uu gaadhay isagoo dayuurad saaran oo dib uga soo laabanaya booqasha uu ku tagay Japan. ”Iyadoo qof kasta oo dayuuradda ila saarnaa uu hurdayo ayaa waxaan maqlay cod ii digaya oo leh, haddii aanad joojinin aflagaadada, dayuuradan ayaan kula qalibi doonaa hadda, waxaana la ii sheegay codkaas uu yahay kii ALLE” ayuu yidhi madaxweyne Duterte oo saxaafadda la hadlay.

 

Tan iyo markii uu madaxtinimada dalkaasi uu la wareegay ayaa Mr Duterte waxa uu diiday in uu ka fiirsado aflagaadada madaxda caalamka. Wuxuu sidoo kale hore u aflagaadeeyay masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo danjiraha Maraykanka ee Philippine.

 

Madaxweyne Duterte ayaa horay u sheegay in xidhiidhka ay ka furanayaan Maraykanka oo ay muddo dheer xulufo ahaayeen. Arrintani waxay daba socotay dhaliishii Maraykanku u soo jeediyay dagaalka adag ee ay Philippines ku qaaday daroogada iyo dadka ka ganacsada.

 

Kumanaan qof ayaa lagu dilay Philippine iyagoon sharciga la hor keenin, kuwaasoo loo xidhxidhay ka ganacsiga daroogada.

Comments are closed