Layaabka Dunida: Hooyo Danyar ah oo Saddex Ilmood Oo Mataano Ah Ku Umushay Cisbitaal Kuyaala Magaaladda Muqdisho Ee Dalka Soomaaliya
Muqdisho 17.June 2016 (SDN/QJ):- Hooyo Soomaaliyeed ayaa saddex ilmood oo mataano ah ku Umushay Cisbitaal kuyaala Magaaladda Muqdhisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya,gaar ahaan Cisbitaalka Suudaaniga ah ee Banaadir.
Sida warbixintan lagu sheegay Markii ay Hooyaddani tagtey Isbitaalka Banaadir oo la baadhey ayaa waxaa loo direy inay Kombuuter isa soo saarto waxaana Ehelkeedu u kaxeeyeen Isbitaalka Suudaaneys si Kombuutar looga soo saaro wax yar markii Kombuutarka la saarey ayay fool ku soo boodey waxaana Dhaqatrkii amrey in Qaliin deg deg ah lagu sameeyo waxaana lagu guuleystey in laga soo saaro sadex Mataano ah oo Caafiimaadkoodu aad u fiican yahay.
Wariye Booqday Cisbitaalka ay hooyaddani ku umushay ayaa sheegay in Ehelada hooyaddaasi ay u sheegeen in Hooyada Dhashey Mataanaha sadexda ah iyo Qoyskeeda ay ku jiraan Xero Barakacayaal ah oo ku taala agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxay intaa raaciyeen in Kharaashadkii Isbitaalka weli lagu leeyahay.
“Markii hore waxaa aniga iyo ninkeyga oo Xamaali ah la daalac dhaceyney Maareynta Nololsha Shan Caruuur ah waa ilaah Mahadii maanta waxaa Reerka ku soo biirey Sadex kale, Laba Gabdhood iyo Wiil” sidaa waxaa tidhi Hooyada Dhashey Sadexda Mataanaha oo lagu magacaabo Ifraax Daahir Maxamuud.
Hooyo Ifraax Daahir Maxamuud ayaa u mahadcelisey Intii gacan ka geystey in laga soo saaro Caruur Caafimaad qabto waxayna ka Codsatey Shirkadaha, Ganacsatada, Ururada Bulshada , Madaxda iyo ardeyda Jamacadaha iyo Ummadda Soomaaliyeed ee Wax haysata ee ku nool Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa in ku Caawiyaan sidii ay ula Korin lahaayeen Mataanahaas maadaama aanay Awoodin Korintooda.