Layaab : Indonesia Oo Hillibka Eydu Noqday Mid Aad Loo Jecel Yahay !
Hargaysa 28. March 2017 (SDN/QJ):- Dalka Indonesia ayaa waxa uu noqday Dal ku caan baxay Cunnista Hillibka Eyda, waxaana jira dad badan oo halkaasi u taga sidii ay soo cuni lahaayeen hillibkaasi.
Arrintani waxay soo shaac baxday markii Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama uu halkaasi tagay isla markaasina uu soo cunay Hillibkaasi, warbixinta ku saabsan arrintan ayaa waxa lagu soo bandhigay New York Times, waxaana warbixintaasi lagu cadeeyay in dalalka kale ee Qaarada Asia aan aad looga cunin Hillibkani, balse Dalka Indonesia oo ah Dal islaamku u badan yahay ayaan la garanayn sababta ku kalliftay arrintan.
Sidoo kale, waxa jira shaqaale aad u badan oo ka hawl gala suuqa lagu qalo isla markaana lagu iibiyo Hillibka Eyda, waxaana si qarsoodi ah loogu iib geeyaa Eyda Dalkaasi Indonesia waana arrrinta ilaa iyo haatan loo la’yahay waxa lagu sheego, balse Dadka ku dhaqan Dalkaasi Waxa uu hillibka Eydu noqday cuntadooda u gaarka ah ee ay door bidaan.