|

Layaab : Haweenay Hal Toddobaad Gudihii Umushay Laba Jeer !

Hubei 08. March 2017 (SDN/QJ):- Waa arrin aad u layaab badan oo qof kastaa uu isweydiinayo sidee ayey gabadhi laba jeer u kala dhali kartaa muddo hal toddobaad ah gudaheed, balse ogow akhriste in awooda Ilaahay ay aad u ballaadhan tahay wax kasta oo inaga yaabiyaana waa inaynu kaga faa’iidaysano xikmad iyo Alle ka cabsi iyo in Ilaahay awoodihiisu aanay marnaba xudduud lahayn isla markaana aan la mallaysan Karin.

 

Haddaba, Wakaalada wararka ee China News oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa sheegtay in haweenay da’deedu tahay 30 jir kuna nool tuulada Hubei ee ku taalla Dalkaasi ay dhashay laba jeer hal toddobaad gudihii !

Waxa kale oo ay Wakaaladu sheegtay in haweenaydaasi la kulantay dhib aad u badan intii ay uurka lahayd, waxaanay arrintani noqotay arrin ugub ku ah Dunida guud ahaan gaar ahaana Dhakhaatiirta Caafimaadka oo sheegay in aanay xaalad Uur oo noocan oo kale ah aanay hore u arag, iyada oo markii hore dhashay Ilmo qudha muddo lix maalmood ah kadibna waxay dhashay laba mattaanood iyada oo intaasi oo dhan foolanaysay.

Waxa kale oo aad u layaab badan isla markaana ina tusinaya xikmada Ilaahay in haweenaydan ay marka hore ka cabban jirtay dhalmo la’aan, Laakiin markii ay uurka qaaday waxay dhakhaatiirtu u sheegeen Uurka ay sidaa in uu yahay 3 Mattaanood, waxa aanay dhashay ilmaha koowaad 21bishii February ee aynu soo dhaafnay, dhakhaariirta gacanta ku hayay haweenaydan oo la socday xaaladeeda ayaa diiday in lagu sameeyo qaliin lagaga soo saarayo labada mattaanood ee hadhay, arrintaasina waxay keentay in muddo lix maalmood ah kadib ay si caadi ah u dhashay labadii mattaanood.

Dhakhaatiirat gacanta ku hayey gabadhan ayaa sheegay in saddexda ubad ah iyo haweenayduba ay caafimaad qabaan.

Comments are closed