Layaab Adduunka: Nin Keligii Ku Nool Magaalo Iyo Waxa Ku Kellifay !
Istanbul 17. March 2017 (SDN/QJ):- Waa arrin aad u la yaab badan in qof kaliya uu ku noolaado Tuulo Isaga oo aanay cidina wehelinayn, balse nin u dhashay Dalka Turkiga oo ay da’diisu tahay 56 jir ayaa kadib markii uu ka soo daalay nolosha Magaalooyinka waxa uu go’aan ku gaadhay in uu ka wareego nolosha Magaalada.
Ninkan oo magaciisu yahay Darwish Mohan waxa uu kaligii ku noolyahay Tuulo aanay cidina ku wehelin, waxa kale oo keli noolaanshaha ka sii yaab badan in uu muddo 7 sano ah ku noolyahay Tuuladaasi keligii.
Mohan ayaa waxa uu dhalay 7 carruura waxa aanay 22 sano ka hor kala soo qaxay Tuulada loo yaqaano Donamach ee ka tirsan Gobolka Wan ee ku yaalla Koonfur Bari ee Dalkaasi Turkiga, waxa aanu Tuuladaasi uu uga soo qaxay dhibaatooyin ka soo gaadhay Ururka ka dagaalama Dalkaasi ee loo yaqaan Kurdistan Workers Party sida lagu soo bandhigay Wakaaladda Wararka ee Anatolia.
Mohan ayaa waxa uu ka soo shaqeeyay magaalooyin badan oo ka mid magaalooyinka Turkiga si uu ubadkiisa u quudiyo, balse ugu danbayn waxa uu go’aan ku gaadhay in nolosha magaalooyinka aanu sii wadi karayn, haddaba muddo 17 sano ka hor ayaa waxa uu go’aan ku gaadhay in uu ku noqdo Tuuladii uu marka hore ka soo kaxeeyay Ubkiisa, balse markii uu halkaasi gaadhay Kaligii waxa uu la kulmay Tuuladii oo baaba’day oo aanay cidna ku noolayn, waxa aanu sheegay in uu iyada oo sidaasi ah ku noolaanayo, waxa aanu sidoo kale qiray in uu Tuuladaasi laga wada qaxay uu isagu ka helay noloshii uu Magaalooyinka ka soo waayay, “50 sano ka hor waxa Tuulada ku yaalay ilaa iyo 50 guri, balse waxa ay dhamaantood door bideen nolosha Magaalooyinka, Anigu halkan ayaan ku qanacsanahay xaaskayga iyo caruurta aan dhalay way i soo booqdaan mar kasta, aniguna halkan ayaan waxa iskaga karsadaa, kuna dhaqdaa Xoolaha aan leeyahay.” Ayuu yidhi.